Qorshe Axmed Madoobe uu damacsan yahay oo si xooggan looga hor-yimid

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qorshe ay sheegeen in madaxweyne Axmed Madoobe uu ka damacsan yahay soo xulista Xubnaha baarlamaanka.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn habka la doonayo in loosoo xulo baarlamaanka cusub.

Wuxuu sheegay in isaga iyo dadka ku aragtida ah ka digayaan in faragelin lagu sameeyo doorashada madaxweynaha iyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Odayaasha dhaqanka ayuu tilmaamay inay doonayaan in loo madax banaaneeyo soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in golaha ay kasoo horjeedaan  qaabka xulista Xildhibaanada ee hada la wado taas oo ah in  beel kasta ay guddiga doorashooyinka usoo gudbiyaan saddex musharax oo u tartamaya xubinimada Baarlamaanka si midkii ay doonaan ugala baxaan.

Xubno ka tirsan musharixiinta oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha xulista Barlamaanka Jubbaland uu yahay mid uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe,isla markaana uu ku doonayo in dib loo doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com