Dilal qorshaysan oo ka dhan ah laba qof oo ka dhacay magaalada Hargaysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo shacabka.

48-saac ee u dambeeyay ayaa waxa isbitaalka Hargeysa la keenay labo ruux oo meyd ah, sida Caasimada Online u sheegen qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalku, labadan ruux ayaa loo dilay qaab qorsheysan.

Labadan ruux ee meydka ahaa ee isbitaalka la geeyay ayaa midkood waxa laga soo saaray ceel-biyood ku yaala koonfurta Hargeysa, halka ruuxa kalena lagu dilay guri ku yaala Xaafada Ibraahin kood-buur oo meydkiisa laga soo qaaday, kuwaasi oo ay qoysaskoodu noo sheegen in lagu dilay shirqool.

Waxa sidoo kale dhowaan isla magaalada hargeysa gudaheeda lagu khaarijiyey Nin ka howl-gali jirey shirkada korontada ee Sompower.

Muddooyinkii u dambeeyaya ayaa waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland kusoo badanayey dilalka qorsheysan, kuwaasi oo inta badan lagu bartilmaamsado dad shacab ah iyo weliba shaqaale ka howl-gala shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dilalkaas qaar kamida usoo qab-qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qaar kamida laamaha amnigu, inkasta oo ay weli warbixin rasmiya aysan bulshada la wadaagin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com