Xaliimo Yarey oo dooneysa inay hal arin darteed uga guuraan VILLA Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Yareey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyina madaxa Banaan ayaa shaacisay inay baarlamaanka ka codsaneyso in guddigooda loo dhiso Meel ka duwan halka ay iminka ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in amaan ahaan goobta ay degen yihiin inuu wanaagsan yahay, balse caqabada kaliya ee ay qabaan inay tahay inaysan la kulmi karin xisbiyadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxay intaasi ku dartay in qorshahooda uu yahay inay helaan deegaan ama goob ay kula kulmi karaan dhamaan xisbiyada kala duwan iyo bulshada rayidka.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in Madaxda Maamul Goboleedyada in aysan ku dhawaaqi karin Doorashooyinka, cidda looga dambeynayo inay doorashada ku dhawaaqaana ay tahay guddigooda.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa ku shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob ammaankeeda aad loo adkeeyo, isla markaana ay adag tahay in dadka ay galaan waqti waliba, maadaama Madaxda Dalka ay degen yihiin.

Guddoomiyaasha xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa horey sidaan oo kale u sheegay inay ku adag tahay inay la kulmaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale ay horey kaga dalbadeen inay kasoo guuraan madaxtooyada dhexdeeda, maadaama madaxtooyada aysan suuragal aheyn inay galaan xisbiyada ka dhisan dalka gudahiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com