25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Guuleed oo go’aan adag siiyey Michael Keating

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug wali ku sugan Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel keating.

Madaxweynaha Maamulka iyo Wafdiga Michel keating, ayaa kulankooda diirada ku saaray doorashooyinka sanadkan lagu wado inay dalka ka qabsoomaan iyo in Galmudug laga xaqiijiyo inay ku qanacsan tahay natiijada shirkii madasha ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Michel keating waxa uu Madaxweyne Guulleed u sheegay in Beesha Caalamku aysan diyaar u aheyn inay qasabto Hogaamiyayaasha Gobolada dalka, sidaa aawgeedna ay mudnaan gaar ah siinayaan aragtida maamulka Galmudug.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Michel keating u sheegay in Galmudug ay la dhacsan tahay in Somalia muddo 4 sano ah ay wax kusii qeybsadaan nidaamka 4.5, waxa uuna tilmaamay inay si ganbasho la’aan ah ay ula dhacsan yihiin qaabka ay Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamku go’aanka 4.5 u wada gaaren.

Waxa uu Michel keating u cadeeyay in Mowqifka Galmudug uu yahay inay qaadato nidaamka 4.5.

Guulleed ayaa sheegay in Mr Michel keating iyo wafdigiisa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, kadibna ay qaadan doonaan natiijooyinka uga soo baxa kulamadaasi.

Docda kale, Michel keating ayaa lagu wadaa in xog uruurinta kadib uu ku dhawaaqo waxa Somalia maslaxada u ah, inkastoo uu horay u shaaciyay in go’aanka Beesha Caalamka uu yahay aqbalida 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News