Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo qulqulaaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Xildhibaanadaani ayaa lagu wadaa in 19 Bishan ay magaalada Muqdisho ku doortaan Hogaamiyihii bedeli lahaa kan dhawaan xilka laga qaaday C/kariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaanadaani ayaa u codeyn doona Seddex Musharax midkood, waxaana Musharaxiinta ugu cadcad Ex: Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo si ba’an uga soo horjeeda Hogaamiyaha xilka laga qaaday C/kariin Guuleed.
Doorashada ayaa ka dhici doonta mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, kadib markii C/kariin Guuleed uu mamnuucay in Xildhibaanada ay ku kulmaan goobaha lagu nasto ee magaalada Cadaado.
C/kariin Guuleed ayaa aad uga walaacsan saacadaha uga harsan Doorashada lagu soo saaraayo Hogaamiyaha Cusub oo noqon doona Ex: Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxaana la sheegayaa in C/kariin Guuleed uu diyaarinaayo Ciidamo fashiliya Doorashada maalinta beri ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com