Beelaha ku loolamaya xilka R/W oo sii kordhaya (Yaa kusoo biiray?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xulista Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ee uu wado Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xilka Ra’isul wasaaraha ayaa oo markii hore waxaa ku tartamaayay Seddex beel oo ka tirsan Beelaha Haweye waxaana iminka soo baxeysa in Beelo kale ay kusoo biireen raadinta xilkaasi.

Beelihii u taagnaa xilkaasi ayaa waxaa kamid ahaa Beesha Abgaal, Murusade iyo Habar-gidir oo ka tirsan Beelaha Hawiye.

Beelaha iminka kusoo biiray raadinta xilka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Beesha Xawaadle iyo Beesha Gaaljecel oo xusul duub ugu jira qabashada xilka Ra’isul wasaaraha.

Beelaha Xawaadle iyo Beesha Gaaljecel ayaa Madaxweynaha ka dalbanaaya in lagu tijaabiyo xilka maadaama aysan horay u qaban xilalka waaweyn isla markaana ay ka tirsan yihiin Beelaha Hawiye.

Warar hoose ayaa sheegaya in Beesha Murusade ay ka tanaasuleen rabitaankooda ku aadan xilka Ra’isul wasaarenimo maadaama xilkaasi uu galay muran ka dhexeeya Beelaha Hawiye.

Lama oga beesha uu Madaxweynaha Qaranka u magacaabi doono xilkaasi adag, waxa uuna ka fiirsanayaa cida uu xilka u magacaabi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com