Muxuu Xasan Sheekh kala baxay Villa Somalia xil wareejinta kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabi ahaan Feb 16, 2017 ka faaruqay Madaxtooyada Somalia isagoo Hantida Qaranka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa kadib Farmaajo kadalbaday inuu u saamaxo hal gaari oo nooca aan xabadu karin kaa oo uu isticmaali doono Madaxweynihii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Sheekh u fasaxay in si KMG gaar ah uu usii isticmaalo ilaa laba gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdaan Ciidamada Qaranka si ay u sugaan amniga Madaxweynaha inta uu kusii nagaanayo magaalada Muqdisho.Xasan Sheekh ayaa xil wareejinta kadib Madaxtooyada Somalia kala baxay hal gaari oo aysan la socon Ciidamo kaa oo noociisu uu yahay midka aanu xabadukarin.

Dadka magaalada Muqdisho ee ku suganaa eeryada Madaxtooyada ayaa daawanaayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo wata hal gaari oo aysan wehlin Ciidamo isla markaana ay galbinayeen laba mooto nooca Madaxda galbisa.

Dadku waxa ay ahaayen kuwo isweydiinaayay sababta uu Madaxweunihii hore wadada Makka Al-mukarama u soconaayay iyadoo aanu galbineynin wax gaadiid dagaal ah.

Dadka qaar ayaa hadal hayay inuu iska tiraayo hadal heyntii aheyd in xubnihii ka hooseeyay ay Madaxtooyada kala baxeen Hub iyo Gaadiid, halka qaarna ay hadal hayeen in lagu khasbay inuu dhigo Hantida Qaranka inta aanu ka aheyn Gaariga uu wato.

Xasan Sheekh ayaa mudadii uu xilka hayay ilaa Seddex jeer lagu eedeeyay in si sharci darro ah uu ku biyay Gaadiid, balse waxa hadalkaasi soo afjarmay kadib markii laga xisaabiyay dhammaan Hantida Qaranka tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

Geesta kale, dadka shacabka ah ayaa aad u hadalhaya isbedelka dhacay waxa ayna yihiin kuwo isweydiinaaya sida Madaxweyne Farmaajo uu uga baxsan doono dhaliilaha loo jeediyay kuwii isaga ka horeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com