Boorsaani oo eeganaya dhibaato ka jirta Xamarweyne: Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa howl burburin ah ka bilaabay agagaarka masjidka caanka ah ee Marwaas oo ku yaal gudaha suuqa Xamar Weyne, iyadoo burburintaasi iyo nadaafada ka socoto ay ka danbeysay cabasho dadweyne.

Dhinaca kale, xaalad nadaafad xumo tii ugu xumeyd ayaa ka taagan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Weyne oo ku taal xarunta gobolka Banaadir, waxaana halis loogu jiraa in cuduro ka dhasha nadaafad darada ay saameyso dadka ku nool degmadaasi iyo guud ahaan degmooyinka kale ee gobolka ka kooban yahay.Qeybo ka mid ah degmada ayaa looga kala cararay nadaafad daro, wasaq iyo ur kasoo baxaysa qashinka daadsan wadooyinka, haddii aan wax laga qabana ay sababi karto inay ka dilaacaan cudurada nadaafad xumada ka dhasha.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wax tallaabo ah u qaadin dhibaatada nadaafad daro ee ka taagan qeybo ka mid ah Muqdisho, iyadoo ay jirto shirkad qaabilsan nadaafadda taasoo qabato howshii loo igmaday Munishiibiyada gobolka, mana muuqato wax ay bilicda magaalada Muqdisho ka qabato, marka laga reebo lacag gurasho mooyee.
Duqa magaalada Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka waxaa xil ka saaran inuu ilaaliyo bilicda magaalada iyo nolosha dadka ku nool gobolka, ee ma ahan inuu ku mashquulo arrimo kale xili lagu guda jiro kala guur. Hadduusan kasoo bixi karinna waa in dowladda cusub ay la xisaabtanto maadaama dowladda Madaxweyne Farmaajo ku dhisantay la xisaabtan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com