Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si adag uga hadlay Dagaalo cirib tir ah oo mudooyinkaani danbe ay wadaan Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Guuleed waxa uu sheegay in Ciidamada Somali-Ethiopia-da ay wadaan qorsho dagaal oo ay ku maja-xaabinayaan dadka kasoo jeeda deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Mudug, islamarkaana dhacda xadka ay wadaagaan maamulka Galmudug iyo Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida.
Guuleed waxa uu sheegay in inbadan ay ka gaabsadeen xasuuqa ay Ciidamada kawadaan deegaanadaasi, waxa uuna ku goodiyay in wixii intaa ka danbeeya ay qaadi doonaan talaabo waliba oo ay ku badbaadinayaan shacabka deegaankaasi ku dhaqan iyaga oo adeegsanaaya awoodooda.
Waxa uu sheegay in Galmudug aysan diyaar u aheyn dagaal iyo colaad, balse Ciidamada Dowlad deegaanka ay mar waliba dhaqan ka dhigteen xasuuqa shacabka, taasina aysan u dulqaadan doonin.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in Degaanka Kaxandhaale ay kusoo laalaabatay dilalka gurcan oo Ciidamadaasi ka geysanayaan, taasina ay dareen ku abuurtay maamulka Galmudug, hayeeshee haddii aan wax laga qaban ayuu yiri ay ka bixin doonaan jawaab degdeg ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayay mas’uuliyad ka saaran tahay in Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ay kala hadlaan Dagaalada lagu ciribtiraayo Soomaalida reer guuraaga ah ee ku dhaqan Degaanka Kaxandhaale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

