25.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Heshiiska DFS iyo Puntland oo si rasmi ah loo saxiixay (Aqri qodobbada oo dhameystiran)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala saxiixday qodobadii ay ku heshiiyeen Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulka Puntland, kaasi oo ka dhacay aqalka maamulka looga arrimiyo ee magaalada Garoowe.

Dadaalka Heshiiskaani ayaa qaatay ilaa Laba asbuuc iyo bar,waxa uuna saxiixaani imaanayaa iyadoo maanta Puntland ay diiday inay Heshiiska la saxiixo sababo la xiriira War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xassan oo ahaa mid shaki galiyay maamulka Puntland, inkastoo Puntland laga qanciyay War-saxaafadeedkaasi.

Madasha Caawa lagu kala saxiixday Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga magaalada Garoowe.

Heshiiska ay isku fahmeen Wafdiga Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa waxaa u kala saxiixay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali oo matalaayay DFS, halka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha maamulka C/wali Gaas. Labada ninba waa reer Puntland.

heshiiska beenta ahDhanka Beesha Caalamka waxaa Heshiiska marqaati ka ahaa Diblumaasiyiinta kala ah:-

Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Wakiilka IGAD ee Somalia, Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia.

Heshiiskan ayaa ka kooban qodobo badan, hoos ka aqriso

ha 1ha 2ha 3ha 4ha 5

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News