Garoowe (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay document qarsoodi ah oo muujinaya qabyo qoraalka heshiika Puntland iyo dowladda federaalka ay ku gaareen magaalada Garoowe, oo la saxiixayo saacadaha soo socda.
Heshiiska, oo aan u muuqan heshiis, balse u eg qodobo ay Puntland soo bandhigatay, dowladduna u saxiixday, ayaa waxaa ku qoran qodobo aad loola yaabo, oo ay adag tahay inuu aqbalo qof aan Cumar Cabdi Rashiid ahayn, oo isaga kasoo jeeda maamulka Puntland.
Waxaan sidoo kale caddeyn in heshiiska uu aqbali karo madaxweyne Xasan Sheekh, inkasta oo horey loogu bartay inuu wax kasta u saxiixo Puntland, balse qodobadan ay yihiin kuwa ay adag tahay inuu aqbalo.
Heshiiska ayaa Puntland siinaya awood iyo maqaam aysan Soomaalida kale haysan, waxaana la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Heshiiska waxa uu sidoo kale aflagaado ku yahay dadka degan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo heshiiska laba qodob oo jiritaanka dadkaas aan waxba kasoo qaadin lagu soo daray.
Qodobada heshiiska, ama rabitaanka Puntland loo yeelay, oo aad u badan haddaan xusno waxyaabaha ugu weyn waxaa ka mid ah:-
1 – Puntland ma aqoonsana dhammaan guddiyada qaran ee dowladda Soomaaliya ay magacowday, ee aan lagala tashan.
2 – Puntland ma aqoonsana dastuurka Soomaaliya ee dowladda ay iminka ku dhaqanto, oo ay sheegtay in la beddelay.
3 – Caasimada Soomaaliya maqaamkeeda waa in laga wada hadlaa, oo ayna yeelataa maqaam siyaasadeed qaran (Warkan macnihiisu waa in Muqdisho aysan yeelan maamul gobol, oo ay yeelataa maamul qaran, oo Soomaalida oo dhan ay qeyb ka tahay)
4 – Waa in guddiyada doorashada qaran ay soo wada magacaabaan dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
5 – Xilalka qaran, sida safiirada, agaasimayaasha iyo taliyayaasha ciidan, waa in qeyb muhiim oo gaar ah laga siiyaa Puntland.
6 – Waa in doorashada 2020 ay noqotaa qof iyo cod aan ka hadal lahayn.
7 – Puntland waxay u madax banaan tahay inay gasho heshiisyada caalamiga ah, ayada oo aan la tashan dowladda federaalka.
8 – Doorashada 2020, aqalka sare waxaa lagu soo xulayaa 18-kii gobol ee jiray kahor 1991-kii, aqalka hoosena 92-ka degmo.
9 – 4.5 Marnaba dib uma soo laaban karo kadib doorashada 2016.
10 – Dowladda Soomaaliya waxa ay lacag gaar ah ku bixineysaa dimoqraadiyeenta Puntland iyo doorashooyinkeeda inta laga gaarayo 2019-ka.
Waxaa is-weydiin mudan, haddii arrimahan oo kale ay la yimaadaan maamul goboleedyada kale, ma loo saxiixi lahaa oo Cumar Cabdirashiid sida uu beeshiisa u sameeyey ma u sameyn lahaa.
Kan ma heshiis baa mise waa rabitaan hal dhinac loo saxiixay, waayo kama muuqdo heshiiskan hal qodob oo dan ugu jira dowladda federaalka, marka laga reebo in Puntland ay aqbashay 4.5.
Sidee ayay markii horeba ku dhacday in laba nin oo isku beel ah, iskuna dan ah u kala matalaan dowladda federaalka iyo Puntland?
Halkan ka aqri heshiiska oo English ah.
[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/04032152472PuntlandAgreement.pdf” width=”1180″ height=”1600″]
Caasimada Online
Magaalada Garoowe
[email protected]

