26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Guusha Cali Gacal Casir oo saadaalisay qofka ku guulesan doona doorashada madaxweynaha !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Doorashadii guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ayaa waxaa maanta guul ay uga soo hoyatay Cali Gacal Casir, oo ka adkaaday Cabdullaahi Macallin Gaafow Aasbaro.

Guusha Cali Gacal, ma ahan oo kaliya guul asaga usoo hoyatay ee waa guul ay hantiyeen kooxda Aala Sheekh ee ku xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Waxa ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda Damu-Jadiid.

Doorashada ayaa waxa ay ahayd loolan hordhac sii ah oo dhex marayey Damu-Jadiid iyo Aala Sheekh, ama labada musharax madaxweyne oo ay kala wataan ee Cabdikariin Guuleed iyo Axmed Macallin Fiqi.

Guuleed iyo Damu-Jadiid ayaa qarash badan ku bixiyey oo laaluush ku farqay xildhibaanada Galmudug, si ay u helaan codad ku filan oo ay guushu ugu raacdo Cabdullaahi Aasbaro. Waxa ay taasi ahayd tallaabo uu Guuleed kusii tijaabanayo heerka ay la eg tahay taageerada uu ka heli karo xildhibaanada marka la gaaro doorashada madaxnimada.

Inkasta oo doorashada ay ahayd mid iska daba dhow oo Cali Gacal uu Aasbaro kaga adkaaday 45-39, haddana waxaa hubanti ah inay dhabar jabweyn ku tahay Damu-Jadiid iyo Guuleed oo caawa ku seexanaya wallaac ka ballaaran kii hore.

Waxaa caddaatay in Aala Sheekh taageeradeeda ay aad u xooggan tahay, kana weyn tahay sidii ay maleynayeen Damu-Jadiid. Waxaa doorashada Cali Gacal ay saadaal u nqotay heerka taageerada uu haysto Axmed Macallin Fiqi, oo dad badan iminka ay filayaan inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Galmudug.

S kastaba, maalmaha yar ee fooda nagu soo hayaa ayaa loo maleynayaa in Damu-Jadiid ay sii farqaan lacagta tirada badan ee shacabka laga soo dhacay oo ay haystaan si codad dheeri ah loogu iibiyo Guuleed. Waan arki doonnaa halka ay ku dambeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News