Xildhibaan C/raxmaan Xoosh oo xog dheeri ah ka bixiyey mooshinka xil ka qaadista Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinka xil ka xayuubinta madaxweyne Xasan Sheekh ee diyaarintiisu ay iminka gebo gebo mareyso.

Xogta mooshinkan oo ay saxiixeen 139 xildhibaan ayaa waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday Caasimada Online 25-kii bishan June. Halkan ka aqri.

Xoosh oo bartiisa facebook ku share gareeyey warkii ay Caasimada Online qortay ayaa sidoo kale sheegay in mooshinka uu iminka taageero xooggan uruursanayo, ayna muuqato xil ka qaadista madaxweyne Xasan.

Waxa uu madaxweyne ku eedeeyey musuq-maasuq, tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadaanaha iyo ka xadgudubka dastuurka federaalka ah ee asaga lagu soo doortay.

“Doorashadii Xasan Sheekh waxa ahayd shil, aysan ahayn inuu dhaco” ayuu yiri Xoosh.

Halkan hoose ka arag fariinta uu Xoosh Jabriil soo dhigay Facebook.

mooshinka xasan