Baarlamanka Galmudug oo doortay guddoomiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gacanta ku hayay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa goordhow ku dhawaaqay magaca Gudoomiyaha cusub ee uu yeelan doono Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Wareega labaad ayaa waxaa isugu soo haray Cabdulaahi Maalin Gaafow iyo Cali Casir Gacal oo iyagu ku kala baxsaday codad yar.

Cali Gacal Casir ayaa wareega labaad helay 45 cod, halka Cabdulaahi Aasbaro uu ka helay 39 cod.

cali gacalDoorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa waxaa kusoo baxay Cali Gacal Casir oo isagu helay codadka ugu badan.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ah mas’uul inta badan laga garanaayo Magaalada Muqdisho islamarkaana lugta kula jiray Siyaasada iminka taagan.

Cali Gacal Casir, Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishu bishii October 1960-kii, Waxabarashadiisii dugsi hoose/ dhexe, sare ilaa Jaamacad, Waxaa uu ku qaatay isla caasimadda Muqdishu.

Waxa uu ahaa ganacsade, waxaa uu 2009-kii ka mid noqday baaralamaankii KMG ahaa ee dowladdii Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Mudada afarta sano ah ee uu baarlamaanka ku jiray waxaa uu ka mid ahaa guddi hoosaadyadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Mar uu ka hor hadlay baarlamaanka Galmdug doorashadiisii ka hor waxaa uu sheegay in haddii la doorto uu Khibradii baarlamaanka Soomaaliya uu geyn doono Galmudug.Waa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com