Xog: Yaa noqonaya gudoomiyaha baarlamanka GAL-MUDUG maanta? (Labada nin ee isku haya)

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacaya doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka cusub ee gobolada dhexe “GALMUDUG” iyadoo ay xilka guddoomiyaha u taagan yihiin saddex musharax, waxaase loolanka ugu weyn dhex mari doonaa labada nin ee kala ah:

1. Cali Gacal Casir oo hore u soo ahaa xildhibaanadii KMG ah, kana soo galay dhinaca maxkamadaha iyo

2. C/laahi Maalin Gaafoow (Aasbaro) oo hore u ahaa madaxweynihii Ceelbuur state Somalia

Labadan musharax waxay isaga mid yihiin inay kasoo jeedaan Beesha Murusade oo u muuqata in jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug loo qoondeeyay, laakiin waxay kala metelayaan labada dhinac ee sida weyn isugu haya hogaanka maamulka cusub.

Cali Gacal Casir ayaa taabacsan Musharax Axmed Macalin Fiqi oo kasoo jeeda kooxda Aala-sheekh, waxaana olole ugu jira inuu xilkaasi ku guuleysto taageerayaasha kooxdaasi. Musharaxan waxaa la safan wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte iyo Xildhibaan Dhegdheer.

 C/llaahi Aasbaro waxaa gadaal ka riixaya Musharax C/kariin Xuseen Guuleed iyo kooxdiisa Dam-jadiid. Waxaa kaloo ololihiisa dadka hogaanka u haya ka mida Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Wasiir Odowaa iyo xubno kale.

Loolanka jagada madaxweynaha ayaa laga yaabaa inay natiijadiisu ku xirnaato hadba ciddii ku guuleysata jagada guddoonka Baarlamaanka, inkastoo ku dhowaad 70-ka xildhibaan ee wax dooranaya ay danahooda ka eegayaan cidda ay codka siin doonaan ayaa haddana waxaa muuqata in ololaha doorashada maamulka cusub ee gobolada dhexe ku soo koobmay laba shaqsi iyo laba kooxood.

Cadaado ayaa marti gelisay xalay mid kamida habeenadii ugu dheeraa loolanka rasmiga ah ee loogu jiro hogaanka maamulka Galmudug, waxaana magaalada gaaray lacagtii ugu badneyd intii uu shirka socday, waxaan shacay shirar aan loo kala kicin iyo casuumaadyo lagu kala qaatay sooryo siyaasadeed oo kumanaan doolar ah, wixii maanta la sugaana waa natiijada ka dhalata ololaha siyaasadeed ee labada dhinac ah.

Caasimada Onlinne
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com