RASMI: Turkey-ga oo safiirnimada Sambaloolshe soo diiday (AALA SHEEKH oo jallaafo dhigaty) !!!

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah usoo diiday inay aqbasho codsigii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe uu noqday safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalkaas.

Caasimada Online ayaa xog gaar ah oo ay daabacday 15-kii June 2015, ku sheegtay inay jireen astaamo muujinaya in Turkiga soo diidi doonaan Sambalooshe, waxaana hadda arrintu ay noqotay mid rasmi ah.

Sida xubno ka tirasan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay u sheegeen Caasimada Online, dowladda Turkiga ayaa ku war-gelisay dowladda Soomaaliya inay diiday Sambaloolshe sababo ay ku sheegtay inay u aragto inuusan wanaajin karin xiriirka labada dhinac.

Waxa kale oo Turkiga ay sheegeen inaysan ku qancin qualification-ka ama waxyaabihii looga baahnaa safiirnimadiisa ee uu soo gudbiyey.

Si kastaba, xog kale oo gaar ah oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegeysa in diidmada Sambalooshe ay ka shaqeeyeen siyaasiyiinta kooxda Aala Sheekh oo si weyn ugu xirran dowladda Turkiga, dagaal siyaasadeedna ku haya Xasan Sheekh.

Xiriirka Turkiga iyo dowladda Xasan Sheekh ayaa sii xumaanayey bilihii ugu dambeeyey, kadib markii ay dowladda aad ugu dhowaatay dalal carbeed sida Qatar iyo Imaaraadka, oo siyaasadda ay isku diidan yihiin Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin xilka loo magacaabay Sambaloolshe, waxayna isku dayeysay in marka hore ay xaqiijin ka hesho xukuumadda Ankara, balse xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online si qarsoodi ah ugu soo gudbiyey warqaddii loo diray dowladda Turkiga ee looga codsaday inay aqabalaan Sambalooshe oo ku taariikheysan 25-ka May 2015.

Halkan hoose ka arag

sanbalooshe