Guusha Erdogan iyo rajada cusub ee dunida Islaamka u bidhaantay (Xog-warran)

Kadib dhacdadii 11 September 2001 waxaa dunida Islaamka ku socday dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatery oo ay iska kaashadeen quwadaha reer galbeedka iyo reer bariga. Waxaana bilawday waxa loo yaqaan “Islamophopia” ama dagaalka Islaamka iyo Argagaxisada, waxa ay arintu kasii dartay markii la fashiliyay mashruucii kacdoonka Carabta 2011, khilaaf iyo dagaalna la dhex-dhigay Carabta iyo Iran, Pakistan oo aheed dawlad Nuckear na lagu abuuray mashaakil gudaheeda ah oo daciifiyay.

Kadib doorashadii Trump 2016 xaalada dunida Islaamku waxa ay gaartay meel khatar iyo rajo beel ah kadib markii uu ku dhawaaqay qorshe dagaal cad oo ka dhan ah dunida Islaamka oo lagu qaadanayo Qudus, laguna burburinayo Turkey, laguna go’doominayo Iran, laguna boobayo hantida Khaliijka, laguna baabi’inayo Muqaawamada Israel (Xamas & Xizbulah) laguna eryayo Muslimiinta ku nool Galbeedka, cadaawadna lagu dhex-dhigayo dawladaha Islaamka hub-badana looga iibinayo kadibna la isugu dhiibayo.

Bilawgii sanadkaan 2018 markii xaaladu gaartay meel adag oo quus ah ayaa Iftiin iyo Rajo kasoo muuqatay dhawr gobal oo Muslimiintu ku farxeen, Cadawgooduna ku jabay, kuna guul-daraystay dagaalkii iyo hantidii uu ku bixiyey ka hortaga guulahaas sida;

1-Doorashadii Ciraaq ee u ku guulaystay aqlabiyada Barlamaanka wadaadka mayalka adag ee Muqtada Sadri.

2-Doorashadii Lebanon ee uu aqlabiyada Barlamaanka ku guulaystay Xizbullah.

3-Malaysiya oo uu dib ugu soo laabtay sanadkaan Dr. Mahathir Mohamed.

4-Turkey oo uu dib ugu soo laabtay M. Ordogan iyo Xizbigiisa AK Party.

Afartaan Xizbi in aysan doorashooyinka ku guulaysan dagaal qor-shaysan iyo hanti fara badan ayey ku bixiyeen dawladaha waawayn ee reer Galbeedka, Israel iyo qaar ka mid ah Carabta lkn kuma guulaysan gaar ahaan doorashadii Turkey.

Hadaba Guusha 4 taan Xizbi ee sanadkan waxa ay dunida Islaamka ugu dhigantahay in ay weli noolyihiin, muqaawamadii Israel-na ay nooshahay, rajadii awooda Islaamkana weli nooshahay, dhulkooda iyo muqadasaad-koodana aan la qaada karin.

Guusha M.Ordogan waxa ay dunida Islaamka uga dhigantahay Salaaxudiin Ayuubi oo mar kale soo laabtay iyo Boqor Najaashi oo mar kale soo dhaweeyay Qaxootiga Islaamka, diidayna in agtiisa lagu dulmiyo.

Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay uga dhigantahay Guushii 2aad ee u soohoyatay kadib markii uu ka furay xeradii lagu ooday Somaaliya 2011, garabna taagnaa 8 sano, hadduu mar kale usoo laabtay waxaa rajo laga qabaa 5 ta sano ee la doortay Ordogan in Somaliya dib cagaheeda isugu taagi-doonto iyada oo Garab, Gacan iyo Hiil ka helaysa Walaalaheed reer Turkey.

W/Q: Mohamed Gacal (Dr Gacal)