Guusha Xaaji Muuse oo si aan caadi aheyn looga falceliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa si aan caadi aheyn uga falceliyey guushii uu xalay gaaray Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ee dib loogu doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guusha Muuse Suudi ayaan loo arag kaliya guul Aqalka Sanete-ka ah, balse waxaa loo arkay guul ay inta diidan muddo kororsigii fashilmay ee Farmaajo ay ka gaareen Villa Somalia oo dadaal iyo lacag ku bixisay sidii looga adkaan lahaa Xaaji Muuse.

Muuse Suudi ayaa hormuud u ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa muddo kororsiga, isaga oo hoggaamiye ruuxi u ahaa ciidamadii badbaado qaran ee fashiliyey muddo kororsiga kadib markii ay Muqdisho soo galeen..

Haddaba waa kuwan siyaasiyiintii ka falceliyey guusha Muuse iyo wixii ay ka yiraahdeen.

Xasan Sheekh Maxamuud: Hambalyo Senator Muuse Suudi Yalaxoow. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mas’uuliyadda ay shacabkaagu kuu idmadeen. Waxaan bogaadinayaa dhammaan shacabka & mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Waxaad qaadateen kaalinta idinkaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Axmed Macallin Fiqi: Xaajiga iyo ushiisii oo dib loogu doortay kursiga 1aad ee aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mahadsnaidiin xildhibaanada Hirshabeelle waxaad gudateen waajibkiina qaran, waxaadna dhowrteen magaca Hirshabeelle. Hambalyo Xaaji Muuse, afar sano oo kale oo xaqqa iyo cadaaladda aad garab istaagi doonto ayaa kuu bilaabatay.

Mahad Salaad: Hambalyo Al-Xaaji Muuse Suudi Yaxalow. Duqii Badbaado Qaran reer Hirshabelle si sharaf leh ayay ugu abaal gudeen. Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Barlamaanka Hirshabelle waa mahadsanyihiin.

Daahir Maxamuud Geelle: Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Sen. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo loo doortay xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo noqday dowlad gobaleedki ugu horreeyay ee hirgaliya doorasho daahfuran oo si xor ah loogu tartamo. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan u hambalyeynayaa Senator Muse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Waxaan u rajaynayaa in Ilaaheey la garab galo xilka. Waxaan kaloo ammaan mudan madaxweynaha dawlad Goboleedka Hir-shabeele, Cali Guudlaawe Xuseen oo suura geliyey doorasho tartankeedu furan yahay.

Cabdikariim Guuleed: Hambalyo senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu soo doortay xilkaas. Waxayna aheyd doorasho si sax ah loogu tartamay. Waxaan maamulka Hirshabeele iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ugu bogaadinayaa kuna amaanayaa doorashada daaha furan ee ay qabteen, taas oo fursad siman oo isku mid ah lagu siiyey dhammaan murashaxiintii iyo daneeyayaalkii siyaasadeed oo idil.

Yuusuf Madaale: Waxaan halkan Hambalyo uga diraa senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo mar labaad dib loogu doortay inuu aqalka sare ku matalo dowlad gobaleedka hirshabeelle, waxaan alle uga baryaa inuu u fududeeyo wajibaadka loo igmaday, sidoo kale musharaxiintii la tartamay iyaggana waxey muujiyeen dimoqdaariyad iyo tartan wanagsan oo cajiib ah.