Xog: Waa maxay qorshaha FARMAAJO uu ka leeyahay magacaabista Yaasiin Fareey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dhicisoobay qorshe ay Villa Somalia ka laheyd magacaabistii Yaasiin Fareey ee aheyd in uu noqdo agaasimaha KMG ee hay’adda NISA. 

Qorshaha Villa Somalia iyo damaceedii magacaabista Yaasiin Fareey ayaa ahaa sida la sheegay in uu baabi’iyo documents muhiim ahaa oo yiilay xarunta NISA, ururinta warbixinada fududeyn kara helista xogta kiiska Ikraan Tahliil iyo maareeynta hub iyo hanti kale oo taala gudaha xarunta NISA. 

Villa Somalia ayaa dadaal weyn ku bixineysa in la daboolo xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil, waxayna sidoo kale diidan tahay in maxkamadda ciidamada ay baarto kiiskan.

Saraakiil kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in aysan suurtoobin damacii Villa Somalia balse ay ilaa hada wado dadaalo badan oo nuucaas ah. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu Yaasiin Cabdullaahi Fareey u magacaabay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, waxaana markaas ka sokow sax ahaanshihiisa taagnaa dood kale oo tilmaameysa sababta uu Madaxweynaha u baalmaray nidaamka awood qeybsiga beelaha. 

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xafiiskii agaasimaha NISA, xafiiska maaliyada, xafiiska diiwaanka iyo xogaha, qeybta hubka iyo VIP-da ee hay’adda NISA la dejiyey ciidankaas, kadib amar kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble.