Yaa lagu tuhmayaa ‘afduubka’ Professor Cabdiwahaab?

Nairobi (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad ayaa waxaa warkiisa la la’yahay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye ka faalooda siyaasadda Geeska Africa.

Waxaa la sheegay in laga afduubtay bartamaha caasimadda Nairobi ee Kenya, welina ma cadda cidda afduubatay,  laakiin waxaa la tuhmayaa in laamaha ammaanka ee dowladda Kenya uu gacanta ugu jiro, sida uu VOA-da u sheegay Axmed Qoloosh Maxamed oo ah xildhibaan laga soo doortay galbeedka Wajeer ee dalka Kenya.

Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in meesha laga afduubtay Prof. Cabdiwahaab ay tahay meel ammaankeeda uu aad u adag yahay isla markaasna ay kaliya arrintaan camal ka sameyn karaan ciidamada Dowladda.

“ Markaa fiiriso meesha laga afduubay, saacadda la afduubay  uma maleeneyno nin aysan dowladda ogeyn inuu usoo bareeri karo oo saacadaas halkaas ka wadan karo, xattaa haddii dowladda aysan ku lug laheyn waajib ayaa ka saaran ninkii Cabdiwahaab afduubay inay keenaan, maxaa yeelay meesha laga afduubay waxaa ku xiran kaamirooyinka qarsan ee CCTV “ ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Xildhibaan ayaa sheegay inay la xiriireen laamaha amniga  isla markaasna ay rumeysan yahay in Prof. Cabdiwahaab uu nool yahay oo aysan dowladda Kenya ku dhiiran karin inay disho maadaama uu sheegay ay aragtay sida dadka uga fanceliyeen.

“ Waxaan la xiriirnay madaxweynaha Kenya, waxaana u sheegnay inaan anaga rumeysan yahay in Cabdiwahaab uu dowladda u xiran yahay, haddii Cabdiwahaab dambi lagu hayo maxkamad halasoo taago, haddii kale waa inuu helo xuriyaddiisa” ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Wuxuu sheegay in arrintaan dhawaan la hor geyn doono aqalka Sare ee dalka Kenya, isagoo xusay in Aqalka hoose oo uu isaga kamid yahay uu hadda ku jiro fasax illaa laga gaaro 22 bishaan September.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Axmed oo dhameystiran