Xog: KHEYRE oo hal sabab uga aamusan kiiska IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale ka mid ah Murashaxiinta Muacaaradka ayaa ah siyaasiga kaliya ee aan ilaa hadda ka hadlin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’ada sirdoonka Soomaaliya. 

Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta uu ugu aamusay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kiiska Ikaan Tahliil oo hadda ah waxa ugu weyn ee dhaxyaala hogaamiyaasha Soomaalida, sidoo kalane ah warka ugu weyn ee maalmahaan ka jira Soomaaliya. 

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in sababta uu Kheyre uga aamusay kiiska Ikraan ay tahay hal qodob, oo ah qaladaad kiiskan la mid ah oo ka dhacay xukuumadiisa. 

Kheyrre intii uu joogay xafiiska waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax, waxaana la weeraray dad shacab ah oo ku sugnaa Baydhaba kadibna la xasuuqay. Waxaa sidoo kale jira weerarkii culimada Ahlu-Sunna, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, weerarkii Cabdiqaybdiid, iyo kuwa kale oo ka dhan ahaa shacab iyo siyaasiyiin. 

Waxyaabaha sidoo kale dalka ka dhacay ee Kheyre ku qasbay in uu ka aamuso waxaa kamid ah carruurta Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo illaa iyo hadda uusan ka hadal, maadaama isaga oo xukunka haya la qaaday. 

Kheyre ayaa waxaa haysta laba darran mid dooro; Haddii uu kiiskan soo hadal qaado, waxaa durba ka hor-imaneysa su’aal ah; ka waran xadgudubyadii aad adiga gaysatay? Markii haddii uu ka hadlo wuu ceeboobaya, haddana uu ka aamusan yahayna wuu ceebeysan yahay, marka meel u roon ma jirto.

Xasan Cali Kheyre oo ah Murashax Madaxweyne ayaa xukuumadii uu hogaaminayay waxay dhax dabaalanaysaa eedeymo iyo fadeexado la xiriiro dambiyo waa weyn oo isugu jiro dil, afduub iyo weeraro uu dhiig ku daatay, sidaas oo ay tahay waxaa damac uga jiro in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweynaha badalaya Farmaajo.