Guutada Khaalid Bin-Waliid oo howlgal culus ka fulisay dhulka howdka (Sawirro)

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa maanta howl-gallo ka sameeyay dhulka howdka ah ee ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galladan ayaa ka dhacay Hoowdka u dhaxeeya Cali-Heele iyo Daaru-nimco, halkaas oo ay ciidamada ka ceyriyeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ciidamada ay maleeshiyaadka Shabaab ka sifeeyeen deegaano dhowr ah.

Taliye Dhagaweyne ayaa sheegay in tuullooyonka Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale laga sifeeyay dagaal-yahaanada Shabaab, kuwaas oo ahaa dhul howd ah oo kooxda gabaad ka dhiganaysay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Si kastaba, Howl-galka ballaaran ee lagu wajahayo Al-Shabaab ayaa waxaa kuu baxeysa in ay wajaheyso waqtigeedii ugu adkaa, muddadii maleeshiyadeeda ay dalka ka dagaalamayeen.