Guuxa beesha Hawiye ma beddeli doonaa qorshaha doorashada ee Villa Somalia?

Waxaa la tuhmayaa in Villa Somalia ay diyaarineyso nooc doorasho oo ku shubasho u eg taas oo ay aad uga digayaan dhinacyada mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeda.

Labo doorasho oo ay Villa Somalia gadaal ka taagneyd oo ka dhacay Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa tusaale kasii bixiyay waxa ay dowladda madaxweyne Farmaajo sameyn karto doorashada guud ee Soomaaliya ee 2021.

Sababta ay dowladda usoo dhistay maamul goboleedyo taageersan ayaa danta ugu weyn ee laga leeyahay loo arkaa in lagu soo saaro xildhibaano musuq-maasuq ku yimaada oo taageersan madaxweynaha, si ay ugu codeeyaan.

Digniinaha siyaasiyiinta iyo madaxweynayaashii hore ayaa gaaray in beelaha waa weyn qaarkood ay billaabeen kulamo iyo ku saabsan meesha uu madaxweyne Farmaajo dalka u wado iyo waxa dhici kara 2021.

Beesha Hawiye oo loo tiriyo iney tiir u tahay dowladnimada Soomaaliya ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan ayaa saddex shir oo kala duwan yeelatay. Beelaha Mudulood, Habar Gidir iyo Xawaadle ayaa dhamaantood qabtay shirar kala duwan oo ay kaga tashanayan aayahoodda siyaasadeed iyo meesha uu dalku aadayo 2021.

Kulamadan ayaa yimid kadib hadallo kasoo yeeray madaxweynaha oo shaki badan muujiyey, sida wareysigii uu siiyey TV-ga Universal oo laga dhadhansaday inuu doonayo muddo kororsi ama doorasho jidka saxda ah laga leexiyey.

Dhamaan beelahaan waxey ka digeen in doorashada laga leexiyo dhabihii nabbada, iney dhacaan wax aan lagu wada qanacsaneyn iyo in aaney yeeli doonin in la is caburiyo. Tani waxey sii ifineysa jawaab celinta qabiilada hadii madaxweyne Farmaajo isku dayo doorasho ku shubasho ah iyo inuu ciidanka dowladda u adeegsado xubnaha mucaaradka.

Xeel-dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in guuxa beesha Hawiye uu badali karo qorshe mudo laga shaqeeynayay oo ah in dhamaan xubnaha dowladda iyo ciidankaba ay ka shaqeeyaan sidii Farmaajo kusoo laaban lahaa wax kasta oo dhaca.

Waxaa loo badinaya in hadda Farmaajo ka fakaraayo in laga fogaado isku dhac ay beeluhu hogaaminayaan hadii la qabto nooca doorasho ee hadda ay raadineyso Villa Somalia, kaas oo aan tallo iyo mataalad fiican siineyn siyaasiyiinta waa weyn ee beesha Hawiye.

Shirkii shalay ay Muqdisho ku yeesheen waxgaradka iyo siyaasyiinta beesha Mudulood ayaa abuuray dood ku saabsan waxa dhici kara hadii la isku dayo in la xayiro dhaq dhaqaaqa iyo fursadaha siyaasadeed ee siyaasiyiinta beeshaas.

Shirarkan iyo xaqiiqda ah in beelaha shiraya ay ku xooggan yihiin Muqdisho iyo ciidanka dowladda ayaa beddeli kara damac kasta oo Villa Somalia ay ka lahayd doorasho aan nidaamkeedu saxneyn.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid