Habar-gidir, Murusade iyo Xawaadle oo ku heshiiyay in…

Maxaas (Caasimada Online) – Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartAmaha Soomaaliya ayaa u heshiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.

Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa u dhexeeyay Beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Saddexdaan beelood ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, ayna iska kaashadaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna si wadajir ah u wada geli doonaan dagaalka socda.

Cali Jayte oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay heshiiskooda, wuxuuna sheegay in Beelaha Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb-aato la dagaalanka Al-Shabaab, isaguna uu wax ka hoggaamin doono dagaalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligan la joogo watigii la’iska dulqaadi lahaa Al-Shabaab, ayna muhiim tahay inay u wada midoobaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaanada kulanka qeybta ka ahaa ayaa xusay in go’aanka ay gaareen saddexda beelood uu yahay midkii lagu soo gabagabeyn lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabelle.

“Waa markii ugu dambeysay, wax badan ayaa isku imaanay oo aan wada-hadalnay, welina nimankii waa joogaan, laakin waa inay maanta ugu dambeysaa hadalka oo aan iska kicino nimanka” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogleh oo ku aadan la dagaalanka Al-Shababa, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.