Habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay ‘oo fashilmay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka, Cismaan Muxudiin Shaatax oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay 9-kii bishii hore aysan dhaqan galin.

Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in xarunta Ururada bulshada rayidka ay soo gaarayaan cabashooyin dhowr ah oo la xiriira doorashada Golaha Shacabka oo ku socota hanaan musuq-maasuq ah.

“Bulshada Rayidka waxay aad uga xun tahay in sidii ugu haboona loo hirgelin go’aamadii kasoo baxay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee 9-kii January, waxayna taasi aad u sii fogeynaysa kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan doorashooyinka dalka maxsuul kasoo baxa,” ayuu yiri.

“Xarunta ururada bulshada rayidka waxaa soo gaaraya warbixino muujinaya in si dhameystiran aan loogu dhaqmin qoddobadii kasoo baxay heshiiska, waxaana soo jeedinayna in madaxda dowlad goboleedyada ay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay shirkii Muqdisho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli caqabado ka jiraan sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka xulista ergooyinka, xuquuqda musharaxa u taagan doorashada Golaha Shacabka iyo madax-banaanida guddiyada dowlad goboleedyada.

“Waxaa ugu baaqeyna madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka inaysan ku dhaqaaqin tallaabo kasta oo keeni karta khilaaf caqabad ku noqda doorashooyinka, lagana fogaado in dhibaato ka dhalato habka loo fulinayo doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in shaki weyn ka muujinaya xaqiijinta qoondada Haweenka, maadama aan si rasmi ah loo dhaqan-gelin qoddobadii lagu heshiiyay, wuxuuna ka dalbaday guddiyada in lasoo hormariyo kuraasta haweenka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in musuq-maasuq ballaaran uu ka jiro doorashada Golaha Shacabka, ayada oo waqtiga loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyana ay ka harsan tahay 22 maalmood oo keli ah.