Hadal heynta madaxweynaha cusub ee Somalia, sannadka 2016 (XOG CUSUB)

Muqdisho (Caasimada Online) – Diblumaasiyiinta ku dhow-dhow Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay bilaaban doono dadaalada lagu raadinaayo Taageerida Madaxweynaha Cusub ee uu yeelan doono Dalka Somalia muddo kooban kadib.

Ilo wareed ka tirsan Alla Sheikh, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada Mareykanka ay bilowday taageero u raadinta Madaxweynihii hore ee Dalka Somalia Shariif Sheikh Axmed oo iminka xiriir dhow la leh Dowlada Mareykanka.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Dalka Mareykanka, islamarkaana kaalin ku dhex leh Dowlada ayaa bilaabay in xukuumadda Washington ay ka iibiyaan Siyaasada Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Ugandha Yoweri Museveni oo Saaxiib dhow la ah Sheikh Shariif ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu ka dhaadhicinayo Dowladaha Mareykanka, Britain, Farance, Jarmalka iyo Dowlado kale soo laabashada Shariif.

Sheikh Shariif ayaa waxa uu degan yahay Magaalooyinka Kampala iyo Dalka Mareykanka oo lagu baro Diblumaasiyada, si doorashada dambe ee 2016 uu u noqdo shaqsi u diyaarsan Madaxtinimada Dalka.

Saadaasha ayaa ah in aysan suurta gal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho nin iyo cod ah sanadka 2016, waxaana mar labaad codeyn doono xildhibaanno baarlaman, taasi oo fursad sii karta Shariif.

Muddada kooban ee uu Shariif hayay xilka ayaa waxaa lagu xasuusan karaa Siyaasad furan oo ay la jaan-qaadi karaan inta badan Bulshada iyo Besha Caalamka, isagoona xiligii uu xilka hayay uu kala socday Dalka kuna soo qulqulayeen Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh, ayaan xiriir wanaagsan la lahayn reer galbeedka, waxaana lagu warramay in markauu dhameysto afartiisa sano, aanu dib usoo laaban doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com