XEER-ILAALIYAHA guud ee qaranka oo go’aanno naxdin leh ku dhowaaqay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka dalbaday Hay’adaha amniga in dhamaan dadka lagu soo qabtay howlgalladii amni sugidda ee maalmahan ka socday Muqdisho lagu horkeeno maxkamad mudo 24 saac gudahood ah.

Nabad sugidda oo ka duulayso warqadda uga timid Dr. Axmed Cali Daahir ayaa horgeysay maxkamadihii ay dacwadooda khuseysay dhamaan dadkii ay xabsiga ku hayeen, iyada oo xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolkuba ay goob joog ka ahaayeen dhagaysiga iyo xukunka dacwadaha.

War-saxaaadeed ka soo baxay xasiifka Xeer ilaaliha guud ayaa lagu sheegay in la sii daayay dad aad u fara badan oo lagu waayay dambiyadii loo haystay, iyadoo Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalihii ka tirsanaa Shabelle iyo Sky FM lasii daayay.

Waxaase jira 3 xubnood oo ka tirsan maamulka labadaa idaacadood oo weli ku jira gacanta garsoorka, ayna ku socdaan baaritaano dheeraad ah

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa u magacaabay xubin ka tirsan Xeer ilaalinta oo si gaar ah u daba gala kiiska 3da qof oo muddada ay hay’adaha garsoorka gacantooda kusii jiri doonaan lagu kordhiyay 21 maalmood.

Ma jirto wax jirdil ah oo lagula kacay maxaabiista iyada oo xeer ilaalinta balan qaaday inay shaqadeeda koowaad tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayna aqbali karin in jirdil lagula kaco dadka maxaabiista ah.

Dhamaan dadkii xirnaa waxaa la mariyay baaritaan caafimaad si loo xaqiijiyo inaysan jirin wax tacaddi ah oo ay laamaha amniga lagula kaceen maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com