Wasiiro ka tirsan maamulka 6 gobol oo is-casilay (Aqriso liiska Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Xubno ka tirsanaa Wasiirada Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ee Somalia ay is Casileen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xubnaha is Casilay oo gaaraya Toddobo, ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay inay ka laabteen Xubinimada ay ka hayeen Maamulkaasi.-

Nuur Macallin Maxamed Bukoroow oo ahaa wasiir ku-xigeenka Maaliyada oo Shir Jaraa’id qabtay, ayaa waxa uu sheegay inay taageersan yihiin  qorshaha maamul u sameynta Saddexda Gobol.

Waxa uu sheegay in xiligaani iyo wixii ka dambeeya ay ka qeybqaadan doonaan Hormarinta Maamulka Saddexda Gobol.

Haddaba Wasiirrada ka tirsanaa Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ee Somalia ee Is Casilay ayaa waxaa kamid ah :-

1. Nuur Maxamed Macallin Bukurow
2. Maxamed Aadan Cabdi
3. Cabdullahi Cabduqadir Macoow
4. Sayid Axmed Sayid Maxamuud
5. Cabdirashiid Cali Nuur
6. Cabdullahi Xaaji Iikar
7. Aadan Cusmaan Sujuu

Is Casilaada Xubnahaasi kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Odayaal iyo Xubno ka tirsan Maamulka Lixda Gobol oo sheegay inay dhaliilsan yihiin in Dowlada Federaalka ay kala jajabiso Maamulka Lixda Gobol.

Mustafa Cabdullahi oo ah Nabaddoon ka mid ah golaha guurtida maamulka ka kooban lixda gobol oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada iyo Xildhibaanada jooga Baydhabo ay ku talo-galeen inay dhaqaale ku kala diraan Xubnaha ka tirsan Maamulka Lixda Gobol.

Dhanka kale, Wasiirada Is Casilay ayaa waxaa la Tilmaamayaa inay sabab u yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo loo aaneynaayo inay sabab u yihiin kala jajabka iyo Is Casilaada Xubnaha Maamulka Lixda Gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com