Sawirro: 4 qodob oo xasaasi oo ka soo baxay shirkii P/L & xildhibaannada BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay kulankii wada tashiga ahaa ee u dhexeeyay Xubno ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland Mudadii u dhexaysay 18-19-August 2014, Garoowe.

Kulan wada tashi ah oo ay yeesheen Xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland kaasoo looga hadleyay Xiriir Joojinta soo noq noqotay iyo sababihii keenay, dood iyo falaanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay sidaan soo socota.

1. Dowladda Puntland iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen in tabashooyinka iyo eedaymaha Dowladda Puntland ka tirsanayso Federaalka ay yihiin kuwo jira oo leh Caddaymo dhab ah.

2.Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka codsadeen Dowladda Puntland in ay bixiso fursad wada hadal muddo 30 beri gudahood ah, laga bilaabo 20/08/2014, dowladda Puntland Codsigaasi way oggolaatay waxaase sharci ah in wada hadalkaasi ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku, maadaama heshiisyadii iyo wada hadalladii hore aaney waxba ka hirgalin.

3. Haddii fursadda wada hadallaasi lagu guul daraysto,waxna laga qaban waayo eedaymaha Puntland u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah, Dowladda Puntland waxay qaadanaysaa tallaabadii kale ee ku habboon ee dastuurkeedu u oggol yahay.

4.Ugu dambayntii Dowladda Puntland iyo Xildhibaanadu waxay isla qaateen in Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee Maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ahaa mid xadgudub ku ah Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka ee kumeel-gaark ah, islamarkaasina horseedi kara xassilooni darro iyo colaad sokeeye.

Dhanka kale, Heshiiskaani Qodobada laga soo saaray, ayaa waxa uu ka dambeeyay, kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu gabi ahaan Xildhibaanada ugu jira BDF ugu baaqay inay kusoo laabtan Magaalada Garoowe.

DSC_0008 DSC_0009 DSC_0013 DSC_0016 DSC_0019 DSC_0026 DSC_0029 DSC_0031 DSC_0033 DSC_0036

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com