Xog: Xasan Sheikh iyo Faarax C/qaadir oo ku heshiiyay 10 qodob oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ay heshay xog muhiim ah oo sheegeysa in Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir ay isla meel dhigeen 10-Qodob oo lagu hergalinaayo sida ugu dhaqsiyaha badan, oo qorsahoodu yahay afgami qarsoon oo dalka iyo dadka lagu sammeynayo.

Labada nin ayaa doonaya inay weligood xukunka dalka hayaan, waxaana ay isla meel-dhiggeen in In kabadan 10-Qodob, sida sarkaal sare oo Caasimada Online xogta siiya uu shaaca ka qaaday, waxaana qodobada ka mid ah

1-In Ciidamada Villa Somalia loo qeybiyo Afar beel, Laba kamid ah loo gacan galsho Ammaanka gudaha Madaxtooyada, halka labada soo hartay la geyn doono Daafaha Madaxtooyada, Furumaha iyo banaanka Aqalka.

2-In Taliyaha Ciidamada Villa Somalia loo dhiibo Sarkaal ka tirsan Dam-Jadiid oo ay qaraabo yihiin Faarax C/qaadir oo ah Wasiirka Cadaaladda.

3-In mudnaanta koowaad la siiyo Saraakiisha iyo Ciidamada dhawaan usoo tababartay Dam-jadiid, gaar ahaan kuwo laga keenay Dalka Sudan.

4-In Saraakiil gaareysa 15 loo kala dhiibo hay’adaha halbowlaha u ah DF, sida Booliska, Hay’adda Nabad-sugida iyo Militeriga, si looga gaashanto hoos u dhac ku yimaada Siyaasada Militeri ee Ururka hogaanka u haayo Dalka.

5-In Safaaradaha dalalka Britain, Imaaraadka, Saudi Arabia, Kuwait, Qadar, Masar, Turkiga, ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo galaan gacanta Ururka Dam-jadiid.

6-In Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir loo kala magacaabo Saraakiil ka tirsan Ururka ama daneeya Siyaasada Ururka.

7-In xilalka sare ee DF laga ilaaliyo Ururo diimeedyada u carbisan dhexgalka Bulshada sida Aalla  Sheikh, Al-Ictisaam IWM.

8-In hub ka dhigis lagu sammeeyo gabi ahaan Siyaasiyiinta taabacsan Fakir ahaan Labadaasi Urur ee Aalla Sheikh iyo Al-Ictisaam.

9-In labada sano ee ka harsan Wakhtiga Doorashada lagu sameeyo Isku shaandheyn dhanka Golaha Wasiirada oo laba wareeg ah.

10-In ruuxii kasoo horjeesta Siyaasada Dowlada Federaalka hooy looga dhigo Xabsiga.

FG: Xogtaani waxaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, saaxiib dhowna la ah Wasiirka Cadaalada Faarax C/qaadir. Waxa uu ka mid yahay ilo-wareedyada tirada badan ee Caasimada Online sida hoose ula shaqeeya, kuna sugan Villa Somalia. Sababo amni awgood lama shaacinayo magaciisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com