XOG: JAWAARI oo ku guuleystay ARRIN maalmahan murug ku heysay Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Wareedyo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’, ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Jamhuuriyada uu ku guuleystay dalab mudooyinkaani uu fulintiisa ka sugaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasi oo ah xalaaleynta Hubka Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in maalmihii lasoo dhaafay uu buuq ka dhex taagnaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaasi oo ku saabsanaa qaabka ay Ciidamada DF iyo AMISOM hub ka dhigista u sameynayaan, waxaana hawlgaladaasi dhaliilay xubno faro badan oo ka tirsan Guddiga.

Gudiga oo qaarkood kasoo horjeeday Howlgalada ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay tilmaameen in Howlgalku uu ahaa mid lagu majaxaabinaayay Beelo gaar ah, waxa ayna siyaabo kala duwan daboolka uga qaaden in Howlgalka uu ahaa mid lagu naafeynaayo Jiritaanka Beelaha iyo Shaqsiyaadka qaar, waxaana hadalkaasi barbar socday Siyaasado hoose oo uu waday Madaxweyne Xasan oo aan ku niyad furneyn is hortaaga iyo dhaliilaha ay muujinayeen Guddiga.

Shirar ay Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha kuwada qaateen Madaxwene Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka Maxamed Sheekh Cismaan ayaa waxa ay uga arinsadeen qaabka Gudiga looga dhaadhacsiin lahaa Howlgalada iyo xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka dejisay xakameynta hubka, waxaana halkaasi gorfeyn iyo Wakhti dheer kadib ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka isla meel dhigeen in la kala dhantaalo Guddiga islamarkaana ay la kala qaatan Kulamo kala duwan, waxaana halkasi ku suuragashay in la kala fogeeyo Guddiga, iyadoona ay sidaasi ku suuragashay in Xubnaha badi ee Guddiga laga dhaadhacsiiyo Xakameynta Hubka.

Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ ayaa waxa uu Wakhti badan u dhexeeyay Xafiiska Xassan Shekh iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, iyadoona Maalinimadii shalay Tallaado uu Guddiga Joogtada ah mabda’ ahaan ayiday in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu Golaha Shacabku u xilsaartay Xukuumadda.

Ujeedka Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa lagu sheegay inuu ahaa in Guddiga ay Gaashaanka ku dhuftaan islamarkaana ay shaaciyaan in Hubka sharci darada ah ay Dowladu ka hortagi karto.

Sidoo kale, Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku ku dhawaaqay inuu xusuusinaayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay Xukuumadu awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo Qodobka 99aad faqradda (f) ee Dastuurka, waxaana halakasi ku suuragashay Qodobkii Madaxweyne Xassan uu ka sugaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu Gudiga ka dhameeyo Anxisintaasi ama xalaaleynta Hubka ay wataan Siyaasiyiinta Mucaaradsan DF.

Dhanka kale, Madxaweyne Xassan iyo guud ahaan Xubnaha Dam-Jadiid ugu jira Xukuumada Federaalka, ayaa iyagu guul u arka Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ku xalaaleynayaan Xad gudubyada ay Ciidamada DF iyo AMISOM kula kacayaan Siyaasiyiinta iyo ruuxii ay u arkaan inuu lid ku yahay danaha Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com