XOG: Boqorka Daarod oo Garowe lagu bah-dilay kana carrooday in uu KAY…

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo la sheego inuu yahay boqorka Daarood, ayaa ka carooday magaalada Garoowe oo uu bahdilaad kala kulmay xafladdii lagu xusayay sanadguuradii 1-aad ee xafiiska UNSOM oo Garoowe ka dhacday, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Boqor Burhaan, ayaan sidoo kale ka qeyb galin shirkii magaalada Garoowe ku dhex maray Issimada Puntland iyo Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.

Arinta khilaafka u salka ah ayaa ah in maadaama Boqor Burhaan uu yahay Boqorka Daarood inuu doonayey in kaalinta shirkaasi ay ku lahaayeen Isimada Nugaal isaga uu hoggaamiye.

Waxa uu sharaf dhac u arkay in Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ugu weyn issimada gobolka Nugaal ee kaalinta hoggaanka qaatay, xilli boqorka Darood la heli karay.

Arrintan ayaa waxa sababta inuu dib ugu laabto magaalada Qardho oo uusan ka qeybgelin shirkii Issimada iyo Nicholas Kay.
Islaan Ciise Islaam Maxamed ayaa qaba in looga danbeeyo arrimaha dhaqanka ee lagu marti galinayo Gobolka Nugaal, maadaama xaruntiisa tahay, isla markaana aaminsan inuusan jirin guddoon guud oo Issimada Puntland isku raacsan yihiin.

Waxaa la ogsoon yahay in Issimada kasoo jeeda gobolka Nugaal, gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, inaysan ka qeybgelin xafladii caano shubka Boqor Burhaan ee ka dhacday magaalada Qardho, iyagoo ka qeyb gal la’aantaas ku macneeyay khilaaf ka dhex jira qoyska reer Boqor oo aan si dhab ah isugu raacin hogaanka saxda ee Boqorka beelaha Daarood.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com