BEELAHA dega gobollada dhexe miyaa siran mise PUNTLAND? (Arag WARQAD shaki abuurtay oo soo shaac baxday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha maamulka cusub ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa abuuray diidmo ka timid maamulka Puntland oo doonaya in gobolka Mudug aan la raacin Gal-Gaduud, inkasta oo inta badan dadka degan gobolka ay doonayaan inay maamul la dhistaan Gal-Gaduud.

Ayada oo ka amba qaadeysa rabitaankeeda caadada ah ee ku saleysan doonista wax walba, ayaa Puntland waxa ay ku dhowaaqday wax ay ku sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba warqad cusub, oo soo baxday oo ay QM, EU iyo IGAD ay u direen hogaamiyayaasha Puntland, ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland ay ka maamusho Mudug, aysan qeyb ka ahayn maamulka cusub.

Inkasta, oo Puntland hadalladaasi loogu beer qaboojiyey, haddana heshiiskii dhismaha maamulka gobollada dhexe, waxaa ku qoran in gobolka Mudug, oo aan kala go’neyn iyo Gal-Gaduud in loo dhisayo maamulka.

Waxaa halkan ka muuqato siyaasad laba wajiilenimo ah, oo ay cayaarayaan kuwa beesha caalamka la baxay, oo ay ku qancinayaan Puntland iyo beelaha dega gobollada dhexe.

Haddii sida ay u sheegeen Puntland ay run tahay, oo aan deeganadeeda la hoos geyn maamulka cusub, waxaa taasi ay ka dhiggan tahay in maamulka Mudug iyo Gal-Gaduud aanu dhismi karin, sababta oo ah dastuurka dalka ayaa qaba in laba gobol iyo wixii ka badan ay dhisan karaan maamul federal ah.

Illaa iyo hadda lama garan karo sida beesha caalamka wax u waddo, waxaase muuqata in beelaha dega gobollada dhexe ay libinta weli xaggooda jirto, maadaama ayaga ay haystaan heshiis saxiixan oo warqad ah, halka Puntland af un lagu qancinayo.

Waxaa kale oo suurta gal ah in beelaha gobollada dhexe been loo sheegay oo uu jiro heshiis kale oo qarsoodi ah, oo dhiggaya in maamulka uu ka koban yahay Gal-Gaduud iyo qeybo ka mid ah Mudug.

Lama yaqaan sida wax u socdaan, waase su’aal weli taagan: Ma Puntland ayaa siran mise beelaha goollada dhexe.

Hoos ka arag warqadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com