Hub dhiggis lagu sameynayo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inay wasaaraddisu waddo siyaasad lugu doonayo in hub ka dhigis laga dhaqan galiyo deegaannada Puntland.

Aloore waxa uu sheegay qorshaha hub ka dhigista inay ka hormarinayaan la tashi ay la sameynayan bulshada qeybaheeda, waxaana uu tilmaamay inay kala xaajoon doonan sida ugu dhow ee lugu ogaan karo hubka yaalla deegaannada Puntland.

“Siyaasadda wasaaraddu waa in la ogaado hubka yaalla Puntland ee sida an sharciga ahaayn loo heysto, arrinta la tashiyo ayaan kala sameynaynaa bulshada annago ka xog wareysaneyna sida ay ku suroobeyso,”ayuu yiri wasiirka amniga oo hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlay siyaasada wasaaradda.

Qorsha ugu weyn ee laga doonayo hubka dhigista, wasiirku waxaa uu ku sheegay sidii loo ogaan lahaa hubka yaalla Puntland ee dadka shacabka ah iyo dowladdaba gacanta ugu jira.

“Qorshahan waxaan ka leenahay sidii loo sharciyeen lahaa hubka yaalla Puntland ee ay dowladda iyo shacabkuba heystaan,”ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.

Ugu danbeyn, waxuu sheegay wasiirka amniga Puntland,Xasan Cismaan Aloore inay dadaal ku bixinayaan adkeynta amniga iyadoo laga hortagayo kooxo uu ku sheegay argagixisada inay dhibaato ka geysato.

Qorshaha Puntland ee hub ka dhigista, ayaa muuqda mid ka nabdoon, ka wanaagsan, ayna ka muuqato mas’uuliyad iyo ilbaxnimo, marka loo eego kan dowladda federaalka ee Muqdisho, oo ayada oo aan waxba shacabka weydiin, dagaal iyo xoog ka billowday magaalada, shacab badanna laysay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe 

Caasimada@live.com