KISMAAYO OO BANDOW LA SAARAY !!

Kismaayo (Caasimada Online) – War uu goordhow soo diray Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobalka Jubbada Hoose lagu soo rogay bandow aan la shaacin xilliga uu soconayo.

Bandowga ayaa la xiriira markii maanta duhurkii magaalada ay gaareyn wafdi ka socda waddamada Carabta kuwaasoo kulamo la leh mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa imminka kulamo kula leh garoonka diyaaradaha mas’uuliyiita maamulka Jubba, mana cadda wax yaabaha sida weyn ay uga hadlayaan.

Warar hor dhac oo aanu helnay ayaa sheegaya in wafdiga gaaray Kismaayo ay ka socdaan dowladda Imaaraadka waxaana ay rabaan in ay mashaariic ka hirgaliyaan magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana hakad uu ku yimid howlihii garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Warar dheeri ah kala soco bogga Caasimada Online