XOG: Sarkaal Burcad-badeed ah oo u goodiyay DF Soomaaliya (Muxuu yiri?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdi Cumar oo ah Sargaal ka tirsan Hoggaamka Burcad-badeeda Soomaalida kuna sugan Deegaanka Xarardheere, ayaa waxa uu ka hadlay saameynta ay ku yeelan karto xariga loo geystay Guddoomiye ku-xigeenka Hogaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Gafaaje oo Seddex maalin ka hor lagala baxay Hooygiisa ku yaalla Xaafada Labadhagax ee Magaalada Muqdisho.

Cabdi Cumar waxa uu Tilmaamay in mudooyinkii ugu danbeeyay Maxamed Cabdi Gafaaje uusan aheyn Xubin ka tirsan Burcad-badeeda balse uu ahaa Ganacsade Hubka ku ilaalsanaayay hantidiisa iyo naftiisa.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka aysan muteysan in lala shaqeeyo, wuxuuna Sargaal Cabdi Cumar cadeeyay in Gafaaje uu Howlo badan u fududeyn jiray Dowlada balse sidaasi ay kusoo idlaatay wada shaqeyntii kala dhexeysay DF.

Mar wax laga weydiiyay saameynta ay ku yeelaneyso Xariga ayaa waxa uu carabaabay inay saameyn xoogan ku yeelaneyso, maadaama laga xiray Hoggaamiyihii Afweyne iyo ku xigeenkiisa Gafaaje.

Cabdi Cumar waxa uu Tilmaamay in Dowlada aysan la shaqeyn doonin islamarkaana ay howlahooda kasii wadan doonaan aduunka intiisa kale.

‘’Gafaaje Dowladu waxa ay ku xirtay qalad, waayo xilli hore ayuu ka baxay Burcad-badeednimada hadda waxa uu ahaa ganacsade. Dowladu wey na  qiyaantay haddii ay sidaa tahay ma dhici doonto inaan aamino’’ ayuu yiri Cabdi Cumar.

‘’Waligey lama macaamili doono DF aduunka kale ayaan ka qarabaneynaa, haddii aan lasii deyn Gafaaje waxaa laga dareemi doonaa Dalka oo kusoo laaban doono dhib ama Bada laga dareemi doona qaska’’

Cabdi Cumar, waxa uu sheegay inuu hada ka hor ka qeybqaatay qabsashada Markabkii ku rarnaa Hubka ee laga lahaa Dalka Ukrin, islamarkaana uu ka qaatay lacag fiican, hayeeshee xiligaani laga soo gudbay, wuxuuna Tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadooda uu soo yaraaday.

Dhanka kale, Haddalka Cabdi Cumar ayaa waxa uu u muuqday mid goodin ah, waxa uuna cadeeyay in Howshooda aysan hakin doonin  xariga Afweyne iyo Gafaaje, isagoona ku hanjabay in DF ay ka jaran doonaan xiriirka howlahoodana laga dareemi doono Badda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com