MUUNGAAB oo u gooyey TALYAANIGA!

Milano (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Talyaaniga ayaa maalmahan diyaar garow ugu jiray soo dhoweynta Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo dhowaan booqasho ku tagay dalka Sweden.

Sucdi Cali Xassan oo ka mid ah Gabdhaha Jaaliyada Milano-Italia, ayaa sheegtay in Jaaliyadda Soomaalida oo u diyaar garoobay wafdi Muungaab in ay Italia soo gaaraan, ay ka war-heleen Guddoomiyaha oo Muqdisho ka dagay; iyaga oo safaaradda Soomaalida weydiiyey sababta baaqashada wafdiga, balse aaney helin wax jawaab ah.

“Bil ka hor ayaa na lagu soo war-geliyey socdaalka uu Italia ku imaanayo Guddoomiye Muungaab, meeshii Roma laga sugayey Muqdisho ayuu ka dagay” Ayeey tiri Sucdi, waxeyna intaasi sii raacisay in ay dhici karto inuu jiro saluug dhinaca Guddoomiyaha ka yimid oo quseeya shaqsiyaadka qabanqaabada wafdiga isu xilsaaray.

“Waxey aheyd marka uu wafdi Dowladda ka socda imaanayo in safaaradda ay howshaasi la wareegto, waxaase muuqata in ay dhex ordayaan dooxato calooshood u shaqeysatayaal ah” Ayey tiri Sucdi, waxeyna intaasi ku dartay in ay jireen Soomaali ka soo safartay Gobolo Talyaaniga ka tirsan si ay uga qeybgalaan kulanka Jaaliyada iyo Guddoomiyaha.

“Waa yaabanahay ilaa hadda safaaradii wax jawaab ah nama siin, waxaan u maleynayaa meel bey wax ka guracan yihiin; Jaaliyadu waa dhaarsanaayeen waxey doonayeen Guddoomiyaha Xamar in ay wax ka weydiiyaan ammaanka caasimadda” Ayey tiri Sucdi.

Caasimada Online
Xafiiska Milaano
Caasimada@live.com