Mid ka mid ah BEELAHA dega Puntland oo ku dibbad-baxaya Cabdi Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Mid ka mid ah beelaha ku dhaqan deegannada Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay qaban doonaan dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynaha maamulkaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaddib markii sidda ay sheegeyn uu ku sameeyay takoor.

Cabdullaahi Cosoble Maxamed oo ka mid ah beesha Madhibaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Puntland in uu ku xad-gudbay beeshooda kuwaasoo xittaa aan wax xildhibaan ku lahayn baarlamaanka maamulka Puntland.

Wuxuu tilmaamay in dhowr jeer ay madaxweynaha Puntland u sheegeyn in uu ka joojiyo takoorka uu ku hayo beeshooda oo ka mid ah beellaha deggan Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu xusay in maalinta berri ah ay qaban doonaan isku soo bax looga soo horjeedo takoorka beesha Madhibaan uu ku hayo madaxweynaha Puntland kuwaasoo ka dhicin doono magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sidda Garoowe iyo Boosaaso.

Waa markii ugu horeysay oo mid ka mid ah beelaha deggan Puntland ay ku eedeyso madaxweyne Gaaso in uu ku dhaqaaqay takoor iyo in ay ka mid noqto dowladiisa.

Ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan eedeenta loo joojiyay madaxweyne Gaas oo xilka qabtay horaantii sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com