Hadal jeedinta musharaxiinta doorashada Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane.

Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:-

1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar.

Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:-

1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere

Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.