Hadal kasoo baxay safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia oo fasiraad u baahan!!

Waxaan daawaday muuqaal uu sii daayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV),  oo uu ka soo muuqday safiirka Itoobiya ee Soomaalia, Jamaaluddiin, oo faahfaahin ka bixiyay sii daynta ee dawladda Itoobiya xabsiga ka sii daysay C/Karin Qalbi Dhagax. Safiirku wuxuu sheegay in Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiyo is daba joog ahaa oo dawladda Soomaaliya u dirtay dawladda Itoobiya si loo sii daayo muwaaddinkaas.

Hadalka fasiraadda u baahan ayaa ah, waa kuma  muwaaddinka uu safiirku sheegay?  Laba mid ayaa loo fasiran karaa muwaadinka uu sheegay safiirku, waa mide, in uu hadalkiisa ula jeedo in C/kariin Qalbidhagax yahay muwaadin Itoobiyaan ah (sida loo badinayo maadamaa uu safiirku Itoobiya matalo), ama in uu ula jeedo in uu yahay muwaaddin Soomaaliyeed.

Haddii uu hadalkiisa ula jeedo in uu yahay muwaaddin Itoobiyaan ah, maxaa ka quseeya dawladda Soomaaliya oo ay u codsanaysaa in la sii daayo muwaaddin Itoobiyaan ah, dambi ka soo galay Itoobiya, dawladda Soomaaliyana  ay noo sheegtay markii ay dhiibtay in uu ahaa nin dambiile ah oo ka tirsan urur ay u aqoonsatay argagixiso? Maxayse tahay danta ugu jirta in hadda la sii daayo?

Dhanka kale, haddii hadalka safiirka loo macneeyo in uu ula jeedo in Qalbidhagax yahay muwaaddin Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada Itoobiya, maxaa u diiday madaxdeenna in ay ka hadlaan oo garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyaan muwaaddinkaas xorriyaddiisa dib u helay, sidii ay hadda ka horba ay noola wadaagi jireen maxaabiista laga soo daayay dalal Itoobiya ku jirto.

Ugu dambayntii, waxaan kula talinyaa madaxdeenna in ay iska dhaafaan madax geed la dhaca oo ay umadda u caddeeyaan waxyaabaha mugdiga ku jra ee u baahan in loo faahfaahiyo.  Ibnu aadamku waa qaldamaa, waxaana ugu wanaagsan kuwa qaladkooda ka laabta. Saxaabiga Anas Bin Maalik, Ilaahay haka raalli ahaadee, wuxuu ka wariyay Nabigeenna, Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee “Dhammaan ibnu aadamku way qaldamaan, waxaana ugu khayr badan kuwa qaladkooda ka towbad keena(ka soo laabta)”. Ceeb maahan in qalad dhacay la saxo, waxaase ka sii xun in umadda jahwareer lagu rido.

Adduunka wuu socdaa, meeshii shalay la joogay mar walba lama taagna. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbaddel. Xukuumadda Itoobiya waxay u gudbisay golaha baarlammaanka in liiska argagixisada laga saaro ururrada ONLF oo u dagaallanta in ay madax bannaani helaan Soomaalida degta Itoobiya , OLF oo u dagaallanta qowmiyadda Oromada  iyo Ginbot 7 oo ah urur mucaarad ah.  Markii Qalbidhagax la dhiibay, dawladda Soomaaliya waxay u aqoonsatay ONLF in ay yihiin aragagixso, waxayna noqotay dawladdii koowaad ee adduunka oo ONLF u aqoonsatay aragaxiso, marka laga reebo Itoobiya.

Marba haddii Itoobiya ay doonayso in sidaas ay ula dhaqanto ONLF, maxaa u diidaya dawladda Soomaaliya in ay ka laabato go’aankeedii ay soo saartay markii C/Karin Qalbi dhagax la dhiibay shacabkeedana ay la wadaagto isbaddelka dhacay intii telefishinka uu Safiir Itoobiyaan ah  kala hadli lahaa shacabka.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Safiir dal ajnabi ah ka socda uu si toos ah ugala hadlo shacabka Telefishinka Qaranka, taas oo ah markii iigu horreysay ee aan arko. In ay sax tahay iyo ay qalad tahay waxaan u daynayaa dadka cilmiga u leh arrintaas in ay nala wadaagaan.

W/Q: Ahmednor Ugaas

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid