29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Hadalkii kasoo yeeray DF Soomaaliya oo qalqal galiyay Maamulka Somliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Hadalkii shalay kasoo yeeray Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan macdan laga baari karin Deegaano ay ka mid yihiin Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland uu qalqal galiyay Maamulka Somaliland.

Warkaani oo ka careysiiyay Maamulka Somaliland ayaa waxa uu dhaliyay in Madaxda Maamulkaasi ay kulamo degdeg ah ku yeeshaan Madaxtooyada Maamulka, iyagoona hadalkaasi ku tilmaamay gaf iyo faragalin ay DF Somalia ku sameysay Maamulka Somaliland.

Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in DF Somalia ay baayacday Heshiisyadii ka kala dhacay Magaalooyinka Istanbuul iyo Jabuuti.

Siyaasiyiin kale oo iyagana ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo kulamo hordhac ah ku qaatay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay hadalka kasoo baxay Wasaarada ku tilmaamay mid aan laga fiirsan, iyagoona sheegay in Somaliland ay u madaxbanaan tahay Deegaanada ay ka arimiso.

Siyaasiyiinta dhaliilay hadalka wasaarada kasoo baxay, ayaa waxaa kamid ah Feysal Cali Waraabe oo tilmaamay in Somaliland aysan dib u hor fadhiisan doonin DF Somalia, maadaama uu yiri ay si cad uga talaabtay Heshiisyadii dhowrka jeer la kala galay.

Waxaa la filayaa in Madaxda Maamulka Somaliland ay war cad kasoo saari doonaan hadalka kasoo yeeray dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News