26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Jidad ku dhow Vila Somalia oo la xiray, Muqdisho oo marti gelineysa shirka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdiso, oo ah Xarunta ay degan yihiin Hay’adaha ugu sareeya ee Dowladda Federalka Somaliya, ayaa la xiray.

Ciidamada Dowladda, ayaa dib u celinaaya gaadiidka doonaaya inay adeegsadaan wadooyinka ku teedsan Villa Somalia, waxaadna arkeysaa iyagoo dib ugu celinaaya goobihii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la soo warinayaa in lagu arkaayo Isgoysyada Sayidka, Shaqaalaha, Dabka, Maka Al Mukarama, KM4 ilaa wadada sida tooska ah u gasha Garoonka Duulimaadyada ee Aadan Cadde.

Gawaarida, ayaa si caadi ah u maraaya Isgoysyadaasi, marka laga soo taggo in baaritaano adag ay marsiinayaan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir ka hawlgala.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in wefdi ballaaran ay Magaalada Muqdisho ku soo fool lee yihiin, kuwaa oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka Igad.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya goorta rasmiga ah ee ay imanayaan Magaalada Muqisho. Wararka qaar waxay sheegayaan in Khamiista maanta ah ay imaan doonaan, halka warar kalana ay sheegayaan in Sabtida ay ku soo wajahan yihiin Caasimada.

Warar kaloo aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Igad, ay maalinta Jimcaha ah ku kulmi doonaan Magaalada Muqdisho, iyadoo warar kalana ay sheegayaan in kulankoodu uu Sabtia qabsoomi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News