Haddii aadan is indha tireyn Xasan wax ma qaldeyn haddii uusan wax qaban!

Dhawaan waxaa xilkiisa dhamaaday oo mar kale oo uu rabay inuu dalka kusoo laabto doorashada looga guuleystay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo dalka ka arriminayey muddo 4 sano ah.

Haddaba markii uu Xasan guuldaradaas la kulmay iyo ka hor intii uu socday ololihii loogu jiro tartanka sidii kursiga loo heli lahaa waxaa jiray dad badan oo ka dhawaajiyey inuusan Xasan Dalka wax u qaban sidaasna ay lagama maarmaan u tahay inuusan mar kale xilka kuso laaban.

Ani ahaan fikirkaas wuu ila qaldan yahay, sababtoo ah waxay aheyd in dadka ay qirtaan in Xasan Shiikh Maxamuud uu yahay Madaxweyne dalkiisa soo xukumay 4 sano is markaasna soo hooyey guul iyo guuldaro.

Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka tan iyo markii lagu dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya ka baxday kumeel gaarnimo, haddaba waxaa dhihi karaa Xasan wuu dadaalay wax badan ayuu qabtay waxna wuu qalday, qofka bini’aadamka ahna gaf wuu ka dhici karaa haddii ay kas ahaan laheyd iyo haddii ay si lama filaan ah uga dhaci laheyd.

Tusaale ahan haddii aad dhahdo Xasan waxba dalka uma qaban, waad qaldan tahay bal is waydii sidee ayuu qof wax u qaldi karaa haddii uusan wax qaban, ileyn waxaa la leeyahay Xasan dalka qalad badan ayuu ka galay.

Markaan saas ku leeyahay ha u fahmin inaan isbadalka dalka ka dhacay ku qanacsaneyn, waa hubaal Farmaajo wuu ka fiicnaan doono madaxdii dalka soo martay oo dhan haddii uu dalka ku maamulo qaabkii looga bartay lixdii bilood ee uu dalka Ra’isulwasaare ka ahaa.

Balse midda aan aniga diidanahay waxay tahay in madaxweyne dalka soo maamulay waqti badan kusoo bixiyey sidii uu wax u qaban lahaa in maanta ay qiiro na qaado oo aan dhahno Xasan waxba ma qaban.

Bal adiguba taariikhda dib fiiri sida uu isku badalay muuqaalka Xasan Shiikh Maxamuud, markii uu dalka qabanayey wuxuu ahaa nin wajigiisa dhalaalayo,  dhallinyaro u eg, haddana fiiri isbadalka ku dhacay wuxuu ku duqoobay 4 sano gudahood, wuxuu waayey qaar kamid ah tintiisa fakarkii uu maamulka dalka ku qabtay awgeed, marka xaq maahan inaan abaalka madaxweynaheynii hore ka dhigno wax kama jiraan.

Haddii aan cambaareyno madaxweyne kasta oo dalka soo maro isla markaasna aan dafirno waxqabadka madaxdeyna taas waxay keeneysaa dib u dhac weyn, marka hala isdajiyo madaxweynaha abaalkiisa hala qiro waxyaabihii uu qaldayna ilaahey dalka ha ugu badalo kheyr badan.

Madaxweynaha waxaa la joogaa xilligii uu nasan lahaa oo uu caafimaadkiisa soo hubin lahaa ha ugu darin xumaan iyo aflagaado waad dareemi kartaa qof madaxweyne ah oo Villa Soomaaliya maamule ka ah dhibaatada uu arki karo h iyo mashquulka heysto waxaana mararka qaar dhacdo inuusan madaxweynaha jiifan.

Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Dhiigga cusub halasoo dhaweeyo, Xasan Shiikh Maxamuudna si wadaninimo ah haloo sagootiyo hana laga daayo wararka cayda, aflagaadada iyo cambaareynta, afartii sano ee uu Alle u qoray wadanka wuu soo maamulay wixii uu qalday ilaahey ha u dhaafo shacabkana ha cafiyaan wixii wanaag ah ee uu dalka u qabtayna waxaana ugu diiwaangelin doonaa buugga dahabka taariikhda Soomaaliyeed.

Markaad maqaalkaan aqriso bilaw inaad u mahadceliso madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  isla markaasna aad wanaag ku sogootiso ileyn wuu dhamaaday waqtigiisa wixii uu qaban lahaa wuu qabtay iyo wixii uu qaldi lahaana wuu qalday sidaas awgeed maanta cambaareyn waxba sooma kordhineyso, waxaana ka rajeenayaa inta maqaalkeyga aqrisay inay faafiso wanaagga aan soo sheegay.

W/D: Cabaas Cali Xasan (Cabaas Xaliye) oo ah Falanqeeye Siyaasadeed

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com