Xog-warran: Xaamud iyo Madaale oo bixin doona qiimaha taageeradoodii Xasan Sheekh

Xog-warran: Xaamud iyo Madaale oo bixin doona qiimaha taageeradoodii Xasan Sheekh Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay magaalada Muqdisho soo martay bilooyin ay ka socdeen olol loogu jiray xilka madaxweynimo, waxaan ololahaas ka qeyb ahaa madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo rabay inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey ee xilkiisa difaaacdo macnaha mar labaad xilka kusoo laabto.

Haddaba ololihii doorashada way soo dhamaadeen Xasan Shiikhna xilkii waa laga xayuubiyey haddaba waxaa la is waydiinayaa  sidee ayey noqon doontaa xaaladda siyaasyiintii, Shaqaalihii dowladda, saraakiishii ciidamada ee sida cad u muujiyey taageeradooda ay u hayaan Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna la garab taagnaa hiil iyo hoo.

Waxaan warbixin tixanamo ah ka sameyn doonaa dadkaas waxaana maanta miiska noo saaran  Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo aan marnaba qarsan taageerada ay u hayeen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Xaamud ayaa munaasabadii maalinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku dhawaaqay in cododka Saraakiisha ciidanka ee ka mid noqday Baarlamaanka ay yihiin kuwo uu heysto Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas darteed uu heli doono cododkaas oo uu ku tashanayo.

Hadalkii laga diiwaangeliyey Jen. Xaamud maalintaas waxay aheyd sidaan hoose

 “Mudane Madaxweyne, Baarlamaanka labadiisa aqal saddex sarkaal oo booliska ayaa ku jira, oo labo taliye ah, waxaa ku tashaneysa cododka Sareeya Gaas Cabdi Qebdiid, waa ku tashaneysa codka Booliska waaye, waxaa ku tashaneysa Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye, Maxamed Ibraahim cabdi Diyeeshe codkaas waa ku tashaneysa”ayuu yiri Jen, Xaamud oo ka hadlayay Munaasabadii Ciidamada Booliska ee 21-kii December ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Hadalkaas oo u muuqday mid qaawan ayaa waxaa laga bixiyey fikrado kala duwan oo ay ka dhiibteen siyaasiyiin, madax iyo dadka magaca ku leh bulshada waxaana lagu tilmaamay inuu ku xadgudbay waajibaadka  qaran oo uu sharci u heysan inu shaqsi gaar ah taageero sida Xasan Shiikh Maxamuud.

Inuu si toos ah u taageero Xasan waxaaba uga sii darneyd markii ay dhici weysay riyadiisa aheyd inuu Xasan Dib mar kale ugu fadhiisto kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya,  waxayna siyaasiyiinta ku tilmaameyn hadalkaas inuu ahaa mid uu si cad isugu toogtay afkiisa waana midda hadda shakiga loo gelinayo inuu xilkiisa waayo.

Marka loo fiiriyo qanuunka u dajisan ciidamada amaanka sharci ma ahan inuu sarkaalka ama askariga uu ka qeybgalo ololaha doorashada maadaama shaqada kaliya ee  loo igmaday tahay amniga wadanka ciddii dalka hoggaankeeda ku guuleysatana la shaqeeyaan cidda laga guuleystana uga tacsiyadeeyaan.

Shaqsiga kale ee maanta taabaneyso hadalkii uu Xasan ku taageeray waa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani oo banaanka si cad usoo dhigtay taageeradiisa ku saabsaneyd madaxweynihii waqtiga ka dhamaaday kaasoo wadanka usoo qabtay inta karaankiisa ah, Boorsaani ayaana si toos ah uga qeyb qaatay olol lagu raadinayey Xildhibaano taasoo ka dhacday magaalada Jowhar oo lagu doortay madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Mar haddii war kaasoo baxo waa document meel yaal, waxaa Boorsaani laga diiwaangeliyey hadalo cajiib ahaa oo ay kamid ah aheyd: “ Haddi aan ahaan lahaa Xildhibaan waxaan codkeyga sii lahaa Xasan Shiikh Maxamuud si uu markale xilka ugu soo laabto!”.

Marka hadalkaas laga soo tago, waxaa jiro xilal badan oo ay siyaasiyiin ku dhaw dhaw Farmaajo raadinayaan waxaana safka hore uga jiro Xilka Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho  waxayna midaas shaki weyn gelineysaa mustaqbalka Boorsaani

Farmaajo waxaa la rajeenayaa inu Berri madaxtooyada la wareego, balse midaas ka sokow intii uu Hotel Jaziir daganaa waxaa jiray siyaasiyiin, Xildhibaano, aqoonyahano halkaas iska xaadiriyey kuwaas oo dhammantood ahaayeen xil raadis iyo kuwa xil dad kale u qalqaalinayey.

Marba haddii uu meesha tartan imaado waxay dadka falanqeeyo siyaasadda kuu sheegayaan inay macquul tahay in ay marka hore xilalkooda waayi doonaan kuwii aadka ugu dhaw dhawaa Xasan Shiikh Maxamuud maadaama ay weli ku dambeyso hab raacii Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com