“Haddii sidii Shariifka iyo Xasan noola macaalimaan waan wada hadleynaa DF”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyadda Mucaaradka ee Somaliland ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku aadanaa wadahadalka Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Xisbiga Wadani ayaa sheegay in wadahadalada labada dhinac ay joogsan karaan haddii hogaanka Soomaaliya ay sida maamul goboleed ula macaamilaan maamulka Somaliland, sida masuul u hadlay xisbiga uu sheegay.

Cabdullaahi Axmed Maxamed oo xubin ka ah xisbiga Wadani, ayaa sheegay in wadahadalada ay socon doonaan marka Dowladda Soomaaliya ay sida dowlad kale ula macaamiisho Somaliland.

Dowladihii ka horeeyay dowladda hadda jirta “Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh” ayuu sheegay inay si wanaagsan ula dhaqmi jireen Somaliland marka ay timaado wadahadalka labada dhinac.

“Haddii labo wadan oo kale aan u wada hadleyno wadahadalka wuu soconayaa, laakiin Farmaajo iyo saaxiibadiisa waxay aamisan yihiin in sida maamul loola dhaqmo Somaliland, haddii Shariif iyo Xasan Sheikh sidey wax u wadeen ay u wadaan Qoladan Farmaajo waan wada hadleynaa, laakiin haddii sida dowlad goboleed ay noola dhaqmaan kama yeeleyno”ayuu Yiri Cabdullaahi Axmed.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa culees kala kulantay dowlad goboleedyada dalka, kadib markii ay kasoo xireen albaabadii dowladaha deriska ee ay aadi jireen marka ay doonaan inay cadaadis saaraan dadka hogaanka haya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com