Farmaajo: Ethiopia, Kenya iyo dalalka Geeska Afrik hal arrin oo aan kaga horeyno ayaan ku tababareynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markale kahadlay faa’iidada Soomaalida ay ka helayaan isbadalka Geeska Africa ee maalmahaan socday.

Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in isbadalka geeska ay Soomaalida ka faa’iidi doonaan wax badan, maadaama sida uu sheegay ay yihiin dad ku dheereeya arimaha ganacsiga gobolka.

Farmaajo ayaa sheegay in dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda marar badan ay  tababareen ciidamada dowladda, laakiin hadda iyaga ay ku tababari doonaan arimaha ganacsiga oo uu sheegay in Soomaalida kaga horeyso dalalka kale ee Africa.

Farmaajo ayaa xusay in arinta kale ee ugu weyn Isbedallada Geeska Afrika ay Soomaaliya ka faa’iidi doonto ay tahay in si wanaagsan loola dhaqmo oo la tixgaliyo Hormarkooda iyo madaxbanaanidooda.

“Hadda qaabka ay wax u socdaan ayaa ah in la is ixtiraamo, Marar badan Kenya iyo Ethiopia ciidamo waa inoo tababareen laakiin hadda annaga ayaa tababareyno, waxaan ku tababareynaa ganacsiga oo aan kaga horeyno dalalka kale ee Africa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isbadalada Geeska Africa ayaa wata saameyntooda dadban, balse isdhexgalka bulshada ayaa la rumeysan yihiin in wax badan oo isbadal ah u horseedi doono shacabka dalalka Geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com