Kismaayo: Gabar sun ku dishay ayeydeed oo ay u dhigtay shirqool + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay qabteen gabar ay sheegeen in ay sun siisay ayeydeed.

Hay’adaha dambi baarista maamulka Jubbaland ayaa  sheegay in gabadha da’adeeda ay tahay 15-sano jir, laguna magacaabo Naciimo Bashiir.

Waxa ay sheegeen in falkaan ay xalay fiidkii ka geysatay deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo, iyada oo sumaysay ayeydeed hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen guri.

Gudoomiyaha deegaanka Goobweyn, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ayeyada la oran jiray Dahabo Maxamed, ciidamada dambi baaristana ay gacanta ku hayaan kiiskaan, si ay u ogaadaan waxyaabaha Naciimo ku sababay in ay sun siiso ayeydeed.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in sunta la siiyay ayeyada dhimatay ay aheyd tan beeraha oo Naciimo ay kasoo iibsatay dukaan ku yaalla deegaanka Goobweyn.

Dhacdooyinka nuucaan ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah oo ka dhaca Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa baarista ciidamada dambi baarista Jubbaland ay kasoo saaraan kiiskaan.