SALAFIYADA iyo DANAHA SUCUUDIGA: Raadraac taariikheed (Qeybta 1-aad)

By Asad Cabdullahi Mataan

Tan iyo intii uu Maxamed Bin Salmaan (MBS); Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu ku dhawaaqay in “faafinta wahaabiyadu ay ku timid wakhtigii dagaalkii qaboobaa codsi ka yimid saaxiibbada sucuudiga ”waxaan aad u xiisaynayey inaan fahmo cilaaqaada ka dhexeeya dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah gaar ahaan midka u nasab sheegta salafiga iyo danaha siyaasadeed ee dowladda Sucuudiga.

Waxaan ogahay in hadalkaas ka soo yeeray dhaxal-sugaha siyaabo kala duwan looga falceliyey. Dadka qaarkood waxay si fudud ugu doodeen inuusan wiilkan yar matalin Sucuudiga amaba uusan hadalkani waxba u dhimaynin doorka sooyaalka ah ee ay Sucuudigu ku leeyihiin u khidmaynta Islaamka. Aragtidan ayey qabaan dadka ay ku weyntahay muhimadda doorka ay dowladda Sucuudigu ku leedahay dhowridda Sunniyiinta amaba sida ay jecelyihiin ilaalinta manhajka saxda ah ee salafiyada. Dadka qaarkood waxay isla markiiba la boodeen inuu wiilkan yari si ku talogal la’aan ah ugu dhawaaqay mowqifka awalba u caddaa iyaga laakiin ay dowladda Sucuudigu ku qarinaysay ceeryaamada diin isku qarinta ee ay horboodaan culimo-lakoodka dowladda u shaqeeya.

Haddaba, waxaan jeclahay in qormadan kooban aan ku eegno xiriirka ka dhexeeya dowladda sucuudiga iyo xarakaadka salafiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada diiniga ah ee ay ka wadaan dacallada dunida oo ay ku jiraan kacdoonnada hubeysan ee ay wadaan ururo lagu sifeyn karo Salifiyiin hase ahaatee aan la mid ahayn salafiyada ay ictiraafsan tahay dowladda sucuudigu. Waxaan yaraha milicsanaynaa taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa awoodda dowladda Sucuudiga iyo salafiyada ama “wahaabiyada” sida ay dadka qaar u yaqaaniin. 

Bilowgii “Isbahaysiga” Reer Sacuud iyo Aala Sheekha

Waxaa la sheegay in kadib markii Sh. Mohamed Bin Abdulwahab uu si qiiro leh ugu istaagay soo noolaynta towxiidka saafiga ah “in cibaadada ilaahay loo kali yeelo” iyo la dagaalanka shirkiga, qubuuriyiinta iyo raafidada uu la kulmay iska caabbin badan oo kaga timid dhinaca culimadii wakhtigaas joogtay iyo waliba madaxdhaqameeddkii u talinayey qabaa’ishii Carabta oo uu ku jiro sheekhii qabiiladiisa oo la oran jiray Cusman ibnu Mucamar.

Sanadku markuu ahaa 1156 hijriga oo ku aadan sanadkii 1744-kii miilaadiga ayey heshiis laba geesood ah ku galeen amiirkii magaalada dirciya Mohamed ibn Saud oo ay ku kala sixiixdeen heshiiska saldhigga u ah isbahaysiga reer Aala Sacuud iyo reer Aala Sheekh.

Miisaanka Awood Qeybsiga Reer Sacuud iyo Reer Aala Sheekh

Taariikhda laga qoray isbahaysigan waxay tibaaxaysaa in Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahab uu si mug leh uga qeyb qaadan jiray dhinaca siyaasadda, dagaalka, iyo arrimaha diintaba, islamarahaantaana saameyn weyn uu ku lahaa qaab socodka nidaamkii u dhisnaa iyo hab dhaqameedka uu lahaa.

Wuxuu sheekhu sugay in caqiidada towxiidku ay noqoto mid ay qaadato dowladda Sucuudigu iyo waliba mad-habka Xambaliga ee ilaa maanta sida rasmi ah loogaga dhaqmo Boqortooyada Sucuudiga. Haseyeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay in culimadii dhaxashay doorkii Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahaab aysan adkaysanin doorkaas oo markii dambe lagu soo reebay door ku kooban diinta furuucdeeda gaar ahaan wixii aan taabanaynin arrimaha awoodda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha dibadda. Middaas beddelkeedii ayey Aala sucuud ku guulaysteen in culimadu ay difaacaan sharciyada xukunka Aala Sucuud ee markii dambe u xuubsiibtay boqortooyada ay iska dhaxlaan qoyska reer Aala Sacuud kaliya.

Labada Xaramyn ee Barakaysan iyo Huwanaanta Diinta

Dalka Sucuudiga waxaa ku yaala labada masjid ee ugu fadliga badan dhul lagu cibaadaysto. Maka waa qiblada muslimiinta oo ilaahay ku adoonsaday qof kast oo muslim ah meel kasta oo adduunka uu ka joogo lagu amray inuu u soo tudkado. Arkaanta islaamak waxaa ka mid ah gudashada xajka oo qof kasta waajib ku ah inuu guto hal mar cimrigiisa.

Arrimahan oo dhan waxay mar kasta siinayeen boqortooyada Sucuudiga sharciyad iyo aqbalid ay muslimiintu ogolaanayaan xukunkooda iyadoo mararka qaarkood dambi loo arkayo in laga hadlo gabbood-fallada iyo tacadiyada ay ku kaceen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo xukumay dalka sucuudiga.

Iyadoo haddaba dowladda Sucuudigu ay ka faa’iidaysanayso shicaarkaas islaamka ayey waxay mar kasta reer Aala Sheekh iyo culimadooda ku dhiiri galinayeen inay aragtida salafiga ku faafiyaan waddamada u badan muslimiinta dhaqaale badanna ku bixiyeen. Hase ahaatee mar kast faafinta dacwadaas waxaa Boqortooyada ugu lammaanaa inay ku fushadaan danahooda siyaasiga ah iyo kuwa xulufadooda muslim iyo gaalo waxay doonaanba ha ahaadaane. Labo tusaale oo kooban waxaan ku soo qaadanaynaa dowladda Sucuudigu doorkii ay ku lahayd sameynta iyo faafinta labada koox-diimeed ee kala jooga labada daraf ee shishe ee iska soo horjeeda ee salafiyada.

  1. Salafiyah Jihaadiyah

Waxaa la ogsoon yahay billowgii 80-naadkii markii uu Ruuskhu qabsaday Afghanistan in dowladaha reer Galbeedku dadaal badan ugu jireen sidii loo hor istaagi lahaa isbalaadhinta Midowgii Sofiyeetka. Waxaa markaas si xowli ah wali adduunka uga jiray dagaalkii qaboobaa oo u dhaxeeyey xulafadii reer Galbeedka oo uu hoggaaminayey Maraykanku iyo Midowgii Sofiyeetka oo markaas ku tartamayey hoggaanka caalamka.

Sida uu qirayo hadda dhaxal-sugaha Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, waxay dolwadda Sucuudigu qeyb weyn ka ahayd sidii loo abaabuli lahaa dhalinyaro Muslimiin ah oo Jihaad kaga hortagta shuuciyada ku soo duushay waddanka muslimka ah ee Afganistan. Sida uu ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol) buuggiisa kobaca islaamiyiinta Soomaaliya, Taliyihii sirdoonka ee Sucuudiga wakhtigaas Amiir Turki Al-feysal oo boqor fahad adeer u ahaa ayaa mas’uul ka ahaa tababarka la siinayo dhalinyarada carbeed (Mujaahidiinul-carab) iyadoo loo diyaarinayey sidii ay midowgii sofiyeetka uga saari lahaayeen Afganistan.

Amiir Turki oo hayey talada sirdoonka sucuudiga in ka badan 20 sano ayaa la sheegaa in ay xiriir hoose lahaayeen Islaamiyiinta iyadoo xilkan laga qaaday 10 maalmood ka hor inta aysan dhicin qaraxyadii Sebtember 11, sanadkii 2001-dii. Dagaalka Afghanistaan ayaa la sheegaa inay si toos ah u maalgelinayeen dowladaha reer Galbeedka oo uu hoggaaminayo Maraykanku loona sii marin jiray sirdoonka Sucuudiga iyo kan Pakistan oo labaduba olog la ahaa bahweynta reer Galbeedka iyagoo markaas ka duulayey danaha dowladahooda ee aan marna u dan iyo heelo midna ka lahayn dan islaam iyo midda reer Afghanistaan toona.

Markii Ruushku jabay reer Galbeedka iyo xulafadoodii ay ka mid ahaayeen Sucuudiga iyo Pakistan waxay ka alaaba uruursadeen saaxadii dagaalka, waxaana meel cidlo ah lagaga tagay dhalinyaradii lagu yiri jihaada oo islaamka u dhinta. Waxaaba intaas kaaga sii daran waxaa laga mamnuucay inay waddamadoodii ku noqdaan oo si nabad ah ugu noolaadaan iyagoo laga cabsanayo inay aqoonta dagaalka iyo xeeladihiisa ay soo barteen ku waxyeeleeyaan dowladahoodii. Sidaas ayaa waxaa ku samaysantay Al-Qacida oo u aragtay in ballankii lagaga baxay markii lagu dan gaadhay.

Xiriirka ka dhexeeyey sirdoonka dowladda Sucuudiga, iyo kuwa dalalka kale ee Carabta marna meesha kama bixin oo dowladuhu si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada abuurmaya waxay mar kasta hubinayeen inay dad ku dhex lahaadaan dhammaan ururada jihaadiga sheegta iyadoo inta badan hoggaanku uu matalayo danaha dowladaha carbeed ee dhaqaalahooda siiya. Dowladda sucuudigu marna kalama lug bixin dacminta dhaqdhaqaaqyada jihaadiga ah iyadoo marna u sii marisa dad ay ugu yeedho muxsiniin marna si toos ah sirdoonkeedu u siiyo iyadoo markasta ka turjumaysa ilaalinta iyo horumarinta danaha dalka Sucuudiga.

La soco qaybta xigta Insha Allah

W.Q: Aqbal Aabi
Wardheernews.com