Hadraawi – Halgame iyo hanuuniye ka baxay umadda Soomaaliyeed

Toddobo sannadood ayuu xabsi ugu jiray dowladdii Kacaanka. Waxaana loo xiray sababtii uu u cabiray micnaha dhabta ah ee dowladnimada iyo sida ku dhacda leh oo uu awoodda maansada iyo suugaanta ugu ifiyay ceebaha iyo goldaloolladii ka jira taliskii Kacaanka. 

Waana un in yar kaddib markii Kacaanku dhashay. Laakiin kahor iyo kaddib markii xabsiga laga soo daayay, wuxuu ahaa ababiye, bare, abwaan iyo hanuuniye kamid ah hobollada qaranka ee macaanida suugaanta u adeegada isku soo dumidda iyo wada-noolaanshiyaha umadda. 

Kolkii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya – dalkuna uu galay burbur iyo dagaal sokeeye – kama soo harin rejada iyo yididiilada. Wuxuu si firfircooni leh qeyb uga qaatay shirarkii iyo wada-hadalladii la iskugu keenayay dhinacyada isku diidnaa siyaasadda. Wuxuu xattaa awooday inuu sees u noqdo safarkii nabadda ee abwaanada Soomaaliyeed ay gobollada dalka isku mareen si ay walaalnimada iyo midnimada uga shaqeeyaan. 

Qof ahaan, wuxuu ahaa nin hadalka heli og; codkar ogaalkiisu shisheeyo. Noloshiisii Cadan qeyb kamid uu kusoo qaatay ayaa u sahashay inuu shubaal ugu hadlo afka Carbeed. Laakiin, in kasta oo uu dhawaanahan ku noolaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, haddana noloshiisa waqtiyadii ugu muhiimsanaa wuxuu ku qaatay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuuna hadiyo jeer ahaa mid ku muujiya suugaanta sida uu Soomaalinimada iyo wadajirkeeda ugu hamuunqabo. 

Waxaa loo arkay nin qaran; dhab ahaantiina wuu ahaa. Dhaqamada iyo afaf guriyada looga hadlo goballada dalka intooda badan waxaa la arkay inuu wax badan ka fahamsanaa kuna hadli karay. Intii tiqiin shaqsiyaddiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa qof is-duldhig badan oo aad xushmad badan. 

Noloshii adkeyd oo uu yaraantiisa kusoo barbaaray – waaya’aragnimadii uu ka helay – ayuu hadiyo jeer ku saleyn jiray suugaantiisa. Ma ahayn nin ay danta iyo duruufuhu ka joojiyaan doonistiisa adag oo uu qaranka iyo jiritaanka umadnimo ee Soomaalida ku difaaco. Marka ay timaado anshaxa suuban iyo akhlaaq hagaajinteeda, wuxuu ahaa mid ku waaniya suugaanta tusmeysan; markii ay ugu adkeyd oo lagu dhici kari la’aa in Kacaankii October laga diido sinaan la’aanta iyo jujuubka, wuxuu kamid ah kuwii u muujiyay inuusan waxba ahayn. 

Heeso jiilka maanta iyo kuwii hore si isla’eg ayay u taabanayso dhageysigooda sida heesta Hooyo, Baladweyne, Jaceyl Dhiig malagu qoray, Xamarey ma nabadbaa, iyo kuwa kale oo badan ayuu gaaxdooda lahaa. 

Aad bay tiiraanyo iyo xanuun ugu tahay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan dhimashada iyo geerida abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Walanwal ‘Hadraawi’. 

Qabriga Allaha u waasiciyo; dambigiisana Allaha cafiyo.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com