Wararkii u dambeeyey weerarka Hotel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhow isgoyska KM 4, waxaana socda howlgallo lagu badbaadinayo dadka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa naloo xaqiijiyey inuu ka mid yahay saraakiil ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal culus oo dadka lagu badbaadinayo uu ka socdo gudaha Hotelka, isla markaana ay ku dadaalayaan inay yareeyaan khatarta weerarkaan.

Ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday fiidkii hore ee caawa, waxaana intaas kadib gudaha u galay dagaalyahano hubeysan oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa buuxdhaafiyey goobta, waxaana socda howlgal la doonayo in lagu soo afjaro kooxdaas, waxaa la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo bam-baano oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan.

Weli lama helin tiro koob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda, waxaana xusid mudan in dad badan ay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online